|

Xasan Sheekh Iyo Uhuro Kenyatta oo ku soo wajahan Magaalada Kismaayo

Nairobi June 06 2013 (SDN)— Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa dalka Kenya Uhuro Kenyatta ayaa lagu wadaa in ay gaaraan Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose.

Warar hoose oo ay heshay Shabakadan SDN ayaa waxa ay sheegayaan in labada Mas’uul ee Soomaaliya iyo Kenya ay isku raaceen in ay wada jir u booqdaan Magaalada Kismaayo halkaasi oo jahawareer siyaasadeed uu ka jiray maalmihii danbe.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa Amaankeeda gacanta ku haya Ciidamda Kenya waxaana horay loogu diiday wafdiyo kala duwna oo dowladda matalayay in ay gaaraan Magaalada.

Dhawr jeer oo hore ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh uu isku dayay in uu booqdo Magaalada Kismaayo laakiin sababo Amaanka la xiriira ayuu madaxweynuhu uga baaqday tagista Kismaayo.

Dad la socda Arrimaha Kismaayo ka aloosan ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka faa’iideysanayo Isfahanka Kenya iyo Soomaaliya ee ku aadan Arrimaha Jubooyinka islamarkaana uu kadaba gabanayo Kenyatta oo ay Ciidamadiisa halkasi ku suganyihiin.

Nairobi-SDN 

Comments are closed