|

Xasan Sheekh iyo Ruto oo kulmay

Nairobi February 29, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa maanta Madaxtooyada Kenya kulan kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, kor u qaadista xiriirka diblumaasiyadeed, waxa ay ka wadahadleen shirka Qaramada Midoobay ee is-beddelka cimilada, qorsheyaasha horumarinta gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda ku sugan magaalada Nairobi si uu uga qeyb galo shirka 6-aad ee deegaanka ee Qaramada Midoobay oo diiradda lagu saarayo caqabadaha waaweyn ee deegaanka ee saameeya aadanaha, gaar ahaan saameynta ay ku yeelanayaan nolosha bulshada ku dhaqan dalalka ku teedsran gobolka.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeedin doono shirka caalamiga ah wuxuu ku soo qaadi doonaa saameynta weyn ee isbedelka deegaanku uu ku leeyahay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed, iyo dadaalka ay dowladdu ugu jirto sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka daran ee ka dhashay abaaraha iyo fatahaadaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Nairobi waxaa la filayaa in uu kulamo la qaato madaxda iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee ka qeyb galaya shirkan si loo sii amba qaado doorka dalkeena ee ku aadan isbadalka deegaanka ee caalamka iyo qorshayaasha horumarinta gobolka.

Comments are closed