|

Xasan Sheekh iyo C/raxmaan Faroole Oo isku mari wayay qodobo xasaasi ah (Aqriso)

Garoowe April 29 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya iyo Horjoogaha Maamulka Puntland ayaa kulan saacado qaatay waxa ay maanta ku yesheen Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Kulankaasi waxaa looga hadlay qodobo badan oo ku aadan arrimaha Soomaaaliya sida: Dastuurka, Jubooyinka, Shirka London iyo Arrimo kale oo badan.

Dadk ka si dhaw ula socoda kulankii Xasan Shiikh iyo Faroole ayaa iisheegay in ay jiraan heshiis ay labada dhinac kala saxiixdeen inakstoo ay jiraan qodobo la isku mariwaayay wada hadalada.

Qodobadii la isku mari waayay Waxaa Ka mid Ahaa:

1- Qodobo Datuurka Federaalka ah oo la ogaadey in wax laga badalay ama la damacsan yahay in wax laga badalo oo Puntland ku tilmaantey Khiyaano qaran, iyo in deg deg wax looga qabto, Dowlada Federaalku way dafirtey eedeyntaas lakiin hadana gadaal ayay iska badaleen oo cadeeyeen iney wax ka jiraan warkaas.

2- Arimaha Jubooyinka oo Puntland soo jeedisey in uu Madaxweynuha Soomaaliya uu taageero sharuud la’aan, taaso oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Ka soo horjeestay.

3- Shirka London oo la isku fahmi waayey ajandayaasha lala tagayo, qolaba waxbay ku! lskiin Xasan Sheikh wuxuu ku adkeystey ajandaha uu isagu wato.

Dhanka kale waxaa jiray qodobo ay isku Afgarteen:

In La Qeysado deeqaha caalamiga ah

In iskaashi labada dhinac oo dhan ciidamada ah uu dhemaro Puntland ay hesho tabaro caalami ah.

Daawo Sawirro

11_17 12_18 13_13 14_9 15_7

SDN-Garoowe

Comments are closed