|

Xasan Sheekh iyo Blinken oo nabadgelyada kawada hadlay

Muqdisho June 01, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghaye Blinken ayaa intii ay wada xaajoodka socday waxay diiradda saareen arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin la dagaallanka kooxaha argagixisada ah iyo qorshaha dowladda Soomaaliya ka dib markii la soo gaba gabeeyay howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika.

Waxa kale oo ay ka hadleen amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika.

Madaxweynaha iyo Xoghaye Blinken ayaa ka wada hadlay doorka Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) oo dhawaan loo magacaabay wakiil ku meel gaar ah. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay taageerada baaxadda leh ee ay Dowladda Mareykanka siiso Soomaaliya.

Comments are closed