|

Xasan Gaafaadhi oo ka Tanaasulay tartankii uu hore u shaaciyay

27,Apr.2014(SDN/QJ)-War hadda soo dhacay oo ay heshay Shaabakadda caalamiga ah ee Qurbejoog.com,ayaa sheegay in Xasan Gaafaadhi uu ka tanaasulay Hankiisii Murashaxnimada Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Taladda Dalka haye ee Kulmye oo mudoo haatan laga joogo Todobaad iyo Badh ka hor uu ku dhawaaqay.

Ilaa hadda lama oga waxa uu dhaafsaday Xasan Gaafadhi inuu ka Tanaasulo u tartamidda Jagadaas.taas dad badani saadaalinyeen inuu Saamayn taban ku yeelan lahaa Maxamed Kaahin oo ay isku beel yihiin,haatana ku fadhiyay Kursiga uu u tartamayay.

Laakiin sida warar hoose oo aanu helaynaa sgheegayaan waxa ilaa maanta ay Shirar is dabajoog ahi ay u socdaan Beesha oo kazoo Jeedo Madaxweyne Siilanyo oo labada nine e kalena ay kazoo jeedaan.taas oo sida muuqata lagu Go’aamiyay Inuu Xasan Gaafaadhi uu tanaasulo.

Mar aanu siku daynay in aanu wax ka weydiino arintan ayaanay noo suuragalin ka dib Mobile-kiisa gacan oo xidhnaa Awadeed.

Dhinaca kale waxaanu Khadka Telafanka Ku helay Jaamac Shabeel,oo ah Gudoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo isagu Jiritaanka warkan u xaqiijiyay Shabakadda Caalamiga ah ee Qurbejoog.com.

Si kastaba ha ahaatee waxa la sugayaa 24-ka saacadood ee Soo socda iyo sida ay wax noqdaan

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed