|

Xasan Gaafaadhi Oo Ballantii Xalay ay Madaxweyne Siilaanyo ku Kala Seexdeen Kaga Dhawaaqay Shirweynaha Hortiisa

Hargeysa:April,28,2014(SDN/QJ)-Musharaxii hore u sheegay inuu u taagan yahay jagada Maxamed Kaahin Xasan Cali Maxamuud Gaafaadhi, ayaa Haatan Ergooyinka  hortooda kaga Dhawaaqay  Go’aankii ay xalay Madaxweyne Siilaanyo ku kala Yimaaddeen oo ahaa inuu ka Tanaasulay rabitaankiisii.

DSC_0338Xasan Gaafaadhi ayaa haatan ergooyinka ka hor akhriyey hadal kooban oo uu ku shaacinayo inuu gebi ahaanba ka noqday Go’aankaas oo u daayey Jagada Maxamed Kaahin kaga Fadhiyo Kulmiye.

Waxa uu sheegay inuu go’aas u qaatay isagoo eegaya danta Dalka iyo midda xisbiga, waxana uu taageerayaashiisii u sheegay inuu dib uga noqday Go’aankiisii hore.

Xasan waxa uu ku andacooday inuu qaatay Go’aan uu qaadan lahaa qof kasta oo xilkaas Hunguri kaga jiraa, balse ma uu sheegin  sabab cad oo uu ku qancin karo dadkii uu hore ugu sheegay inuu hankiisa ka midho dhalinayo.

Iscasilaada Xasan Gaafaadhi ayaa ahayd mid xalay  lagu soo go’aamiyey Madaxtooyada, waxana ballantu ahayd inuu shirweynaha dhexdiisa ka shaaciyo inuu go’aankaas hore ka noqday.

Wixii warar ah ee shirkan ku soo kordha kala soco           qurbejoog.com

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiaporanews.com

Comments are closed