Xarunta Madaxtooyada Somaliland oo ay ka socoto Munaasibad qayb ka ah Xuska 18 May
Hargaysa 18.May (SDN) Xarunta Qasriga Madaxtooyada ee Caasimada Hargaysa ayaa Waxaa Caawa si toos ah uga Socota Xaflad loogu dabaal Degayo 22 Guurada ka soo Wareegtay Dib ula soo noqoshad Madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo Eryo kooban ka Jeediyay Furitaankii Xafladaas ayaa u mahad celiyay Ergooyinka ka soo kala Kicitimay Wadamada la jaarka ah Somaliland Sida Jabuuti iyo Itoobiya oo uu Sheegay inay abaal ugu hayaan kala qayb qaadashada Dabaal Degan.
Munaasibadan oo isugu Jirta Casho Sharaf iyo Riwaayad ay Fanaaniinta Qaranku halkaas ku soo bandhigayaan taas oo ka Turjumaysa Marxaladihii kala duwanaa ee dalkani soo maray laga soo bilaabo xiligii ay Somaliland ku hoos jirtay Maamulkii Boqortooyadii Ingiriiska iyo Wixii ay ka dhaxashay Midnimadii ay la gashay Somalia-da Koonfureed ee uu Gumaysan jiray Talyaanigu .
Sidoo kale Riwaayadan ayaa Tilmaami doonta Waxqabadkii Wadankan u hirgalay Mudadii 22 ka sanno ahaa ee uu haystay Xoriyadiisii.
Madasha oo ah Qasriga Madaxtooyada waxaa ku Sugan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ay labada dhinac ka fadhiyaan labada Gudoomiye ee Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada,Marti sharaf ka socota Wadamada Jamhuuriyada Jabuuti iyo Itoobiya.
Waxaa Riwaayadan ka wada qayb qaadanaya Fanaaniin dalka ku sugnaa iyo kuwo ka soo noqday Wadamada Yurub hadafkooduna ahaa inay Shacabka Somaliland kala qayb galaan Dabaal dega laba iyo Labaatan Guurada ka soo Wareegtay Dib ula soo noqoshada madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com