|

Xarunta Madaxtooyada Somalia oo Adduun Lacageed oo badan ku Kharash Garaysay Soo dhawaynta Madaxweynaha ay Baarlamankiisu diideen

Muqdisho 07.May 2014 (SDN/QJ)- Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho,ayaa qarash badan ku bixisay soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Muqdisho ku soo laabtay ka dib markii uu socdaal maalmo qaatay uu  soo geba gabeeyay markii  xildhibaanno tiro badani  soo jeediyeen inuu is casilo.

Hadaba maanta ayay masuuliyiinta Madaxtooyada Soomaaliya qarashkii ugu badna ku bixiyeen soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya si meesha looga saaro in ay dadku ka niyad jabeen hoggaamintiisa.

Dadweyne aad u tiro badan oo laga soo uruuriyay dhamaan gobolka Banaadir degmooyinka uu ka kooban yahay,kuwaasoo lagu soo daabulay gaadiid kala duwan isla markaana la isugu keenay madaarka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ,iyadoo uu qarashkii ugu badnaa ku baxay soo uruurinta dadkan loo soo qaaday inay soo dhaweeyaan Madaxweyne baarlamaankii doortay ay ka rejo dhigeen.

Qarashka lagu bixiyay soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya,ayaa la shegay inay tahay tii ugu adnayd ee lagu bixyo soo dhaweyn Madaxweyne   soo maraya  Soomaaliya.

Warku waxaa uu intaa ku darayaa in sababta ay sidan u yeeleen masuuliyiinta Madaxtooyada Soomaaliya ay tahay in meesha laga saaro soo jeedinta 13 xildhibaan oo ku baaqay in Madaxweynuhu is-casilo,laakiin Xildhibaannada baaqan soo saaray,ayaa ku adkaystay hadduu Madaxweynuhu aqbali waayo soo jeedintooda inay jid kale u mari doonaan dariiq sharci oo ay xilka kaga qaadayaan.

Muqdisho SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasaporanews.com

 

Comments are closed