Xarshin: Tacaddiyada ay wadaan ciidanka Liyuu Booliska iyo magacyada dadkii u dambeeyay ee la xidh-xidhay
Jigjiga 04, March 2013 (SDN)- Dawladda kililka shanaad ee Itoobiya, ayaa dad shicib ah ku xidh-xidhay deegaannada Xarshin hoos yimaadda qaarkood, halkaas oo ay hore dil ugu geysteen dad kale oo shacab ah, ka dib markii ay dadka deegaanku isku dayeen inay dhismayaal dhistaan.
Siday sheegayaan wararka ka imanay deegaannadaasi, sagaal qof oo ka mid ah dadka deegaankaas ayay dawladdu xidhay, isla markaana u dhaadhicisay magaalada Jigjiga ee xarunta kililka shanaad ee Itoobiya, ka dib markii ay dadka deegaannada hoos yimaadda Xarshin qaarkood ay isku dayeen inay berkado ka qotaan deegaannadaas. Deegaanka dadkan laga xidh-xidhay ayay Ciidamada Liyuu Booliis hore ugu dileen dadweyne tiradoodu 13 qof dhan tahay oo mid ka mid ahi ay haweenay tahay. “Imika waxa loo dhaadhiciyay dhinaca magaalada Jigjiga oo laba meelood oo kala duwan lagu xidhay, waxa lagu haystaana waa waxaad dhisteen deegaankiinii oo baraago aad ka qodayseen,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka deegaanka u dhashay oo warbaahinta khadka telefoonka ugu waramay.
Xadhiggan ayaa ku soo beegmaya wakhti ay magalada jigjiga ku sugan yihiin guddi ka kooban dadka deegaanka iyo qurbo-joogta deegaanka ka soo jeeda oo socdaal xaqiiqo-raadin ah ku maray deegaannada ay tacaddiyada ka geystaan ciidamada Liyuu Booliis. “Waxa jirta In gudigii odayaasha ahaa ee arinkan dibada uga yimid quus ka taagan yihiin arintii ay u yimaadeen. Sababtoo ah, dawladda Federaalku waxay u sheegtay guddidan in ay madaxweynaha Killilka Cabdi Iley ka wada hadlaan tacaddiyada ka taagan deegaanka, isaguna wuu ka meeraystay oo balamihii uu u qaadayna ma fulin.” Waxa sidaa yidhi mid ka mid ah odayaasha deegaanka oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Fulinta ballamadaa bedelkoodiina wuxuu Ina Iley dalalka dibedda u diray wefti ka socda xukuumaddiisa, si ay been ugu soo sheegaan dadka qurbaha ku nool.”
Ciidamada Liyuu booliis oo qorshahoodii hore ee loo sameeyay ay ahayd sidii ay deegaanka ugala dagaallami lahaayeen jabhadda ONLF ee deegaanka ka dagaallama, ayay dadweynaha ku dhaqan deegaannadaasi u arkaan in ay ka baydheen ujeeddadii loo aasaasay, isla markaana iyaga oo fulinaya amaro ka soo baxaya madaxda sare ee Killilka ay ku kacayaan dil, xadhig iyo xad-gudubyo kale. “Dadweynaha u dhashay deegaanka ee qurbaha ku dhaqan waxaan leeyahay, ciidamada tacaddiyada wada ee dhibta ka geysanaya deegaanka waxa caawiya oo lacagta siiya dawladaha dalalka aad joogtaan…..” Sidaa waxa yidhi qof ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo oo ka mid ah dadka deegaanka ka soo jeeda.
Magacyada dadka la xidhay:
1-Iimaan Cismaan Xasan
2-Maxamed Cali Dheere
3-Bashiir Aw-Dayib Sh. Xasan
4-Cali Sheekh Khaliif
5-Colaad Maxamed Cilmi
6-Xasan Cabdi Wayd
7-Axmed Yuusuf Cawl (Afweyne)
8- Cabdicasiis Daahir Xuseen
9-Xasan Cabdi Aadan.
Qurbejoog.com, Jigjiga