Xarakada Alshabaab oo Guul ku Tilmaantay Weerarkii Xarunta Baarlamanka Somalia
Muqdisho 24.May 2014 (SDN/QJ)- Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa guul ka sheegataya weerar is-miidaamin ah iyo dagaal ay maanta ku qaaday xarunta baarlmaanka Soomaaliya.
Kooxda Al-Shabaab,ayaa sheegtay inay dagaal toos ah ku qaaday xarunta baarlamaanka Soomaaliya isla markaana ay qasaare badan soo gaadhsiiyeen ciidanka AMISOM iyo ka Soomaaliya intaana ku daray inay inay jiraan xildhibaanno ku dhintay Dagaalka ka dhacay maanta Xarunta Baarlamaanka.
“Ciidanka Mujaahidiinta ayaa Howlgal ka wada xarunta golaha Dawaaqiidda ee magaalada Muqdisho Khasaara badan oo cadawga gaaray ayaa jira”ayuu yidhi sarkaal ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta taageerta .
Sheekh Cali Jabal mas’uulka Al -Shabaab ee gobolka Banaadir waxaa kaloo uu hanjabaad u diray madaxda Dawladda Soomaaliya oo uu sheegay inay meel kasta ugu gali doonaan kuna jihaadayaan.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com