|

Xaqsoor oo noqday ururkii u horeeyay ee soo bandhiga cabasho ku wejahan Doorashooyinkii degaanka

Hargeysa Dec 02,2012(SDN)-Urur siyaasadeedka Xaqsoor ayaa noqday ururkii u horeeyay oo soo bandhiga dhaleeceen loo jedinayo gudida Doorashooyinka Somaliland iyo xukuumada Somaliland.

Xaqsoor ayaa xukuumada iyo Guddida Doorashooyinka ku eedeeyay in ay boobtay goobo si weyn uu u rurku taageero ku lahaa.

Sidoo kalena Xaqsoor ayaa ka digtay ujooyin guracan oo ay xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo ka leedahay fogeynta beelaha daafaha Somaliland iyo midaw dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraalo eedo ahaa oo uu ururku ka soo saaray sidii ay wax u dheceen doorashooyinkii gollaha degaanka ee todobada urur iyo axsaabtu ku tartameen Arbacadii ina dhaaftay.

Xisbiga UCID ayaa isna hore u dhaliilay habka ay Xukuumada Axmed Siilaanyo u maareyneyso Doorashooyinkii u horeeyay ee ay qabaneyso.

Weli waxa socda tirintii codadkii dhawaanta la dhiibtay,waxaana la isla dhexmarayaa saadasha sadexda xisbi ee u gudbi doona in ay noqdaan kuwa qaran.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed