|

Xamse Bare oo Jaamacada Carabta u sharaxay xadgudubka Itoobiya

Muqdisho January 17, 2024 (QJ) -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay shir deg degga ah ee ay isugu yimaadeen Jaamacadda Carabta.

Kulanka oo ay codsatay dowladda Soomaaliya ayaa looga hadlay xadgudubyada ay dowladda Itoobiya ku sameysay madax banaanida, midnimada Soomaaliya.

Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay xaaladda, wuxuuna walaac ka muujiyay is-afgaradkii Addis Ababa ku dhex maray Itoobiya iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

War hore oo ka soo baxay Jaamacadda Carabta ayaa lagu yiri “Ma aqbali doono heshiis kasta oo wax u dhimaya Qaranimada Soomaaliya”.

Xiisada u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cirka isku sii shareertay ka dib markii ay Itoobiya kula heshiisay Somaliland inay saldhig ciidan ka samaysato badda, taasoo ay Soomaaliya ku andacoonayso inuu meel ka dhac ku yahay qaranimadeeda.

Hogaamiyayaasha Somaliland ayaa ku doodaya in heshiiskani uu muujinayo isbedel ku yimid aqoonsiga Itoobiya, iyagoo ku andacoonaya inuu yahay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u aqoonsada gooni isu taaga Somaliland.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeysay Itoobiya in ay ku xad gudubtay madax banaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Mareykanka, UK iyo Midowga Yurub ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan madax banaanida, midnimada Soomaaliya.

Comments are closed