Xamaz oo hakisay siideynta maxaabiistii Israiil
Gaza November 25, 2023 (QJ)- Xamaas ayaa hakisay siideynta dufcadii labaad ee maxaabiista gacanteeda ku jira ka dib kolkii dib u dhac ku yimid gargaarkii loogu talogalay Gaza sida ay sheegeen saraakiil Maraykan ah iyo Israa’iil.
Xamaas ayaa sheegtay in ay sugayaan in gawaari kale oo gargaar ah ay soo galaan deegaanka Gaza ka hor inta aysan fududeyn wareejinta maxaabiista, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen warbaahinta.
Afhayeen u hadlay Masar ayaa horay u sheegay in 340 baabuur oo gargaar ah ay ka yimaadeen Masar, balse aan weli u gudbin Gaza, maadaama ay ahayd in Israa’iil ay baarto ka hor inta aan ogolaansho loo siin in ay galaan Gaza.
masuul ku sugan xadka Rafah ayaa warbaahinta u sheegay in 133 baabuur ay u gudbeen Qaza ilaa hadda, iyada oo dhinacyadu ku heshiiyeen in 200 oo baabuur maalin kasta gaaraan Gaza.
Mar wax laga weydiiyay dib u dhaca, afhayeenka ciidamada difaaca Israel Lt. Col. Richard Hecht waxa uu sheegay gaabisku ka yimi dhanka farsamada.
Horaantii maanta, Hecht ayaa u sheegay warfidiyeenka in uu rajaynayo in 13 la haystayaal la sii daayo guud ahaan, taas ay ku bedelanayaan 39 maxaabiis falastiiniyiin ah.
Xamaas ayaa sheegtay in aysan sii deyn doonin qeybtii labaad ee la haystayaasha ilaa inta loo fasaxayo gawaarida gargaarka u sida Qaza.