Xalay: Aqalka Wasiir Samsam Oo ay Ku Kulmeen Kaadariyiin Sare Oo Kulmiye Ka Tirsani, Talooyin iyo Go’aamo Lagaga Hortegayo Dagaalka Madaxtooyada Oo ay Wasiirku Keentay
Hargeysa:May,26,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo ay Qurbejoog.com heshay, waxa Habeenkii xalay Shirar ka dhaceen Aqalka ay Wasiiirka Waxbarashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan ku Leedahay Magaalada Hargeysa, waxana lagaga wada Hadlay Go’aankii laga qaadan Lahaa Dagaalka Qaawan ee Madaxtooyadu ku bilawday Xisbiga Kulmiye oo ahaa salaankii hoggaanka dalka ay ku fuushay.
Shirarkan xalay dhacay oo ilaa saacadihii dambe socday, ayaa wax aka qayb galay Kaadariyiin waaweyn oo Hoggaanka Xisbiga Kulmiye ku xidhan iyo xubno wali ku sii Hadhay dhinaca Madaxtooyada fikirka hoggaanka haysta, waxana lagu lafo guray Halkii looga Gudbi lahaa Weerarka kooxda Wasiirrada ahi ku Hayaan Xisbiga iyo waliba jawaabtii laga Bixin lahaa Dhacdooyinka cusub oo kooxda Hoggaanka Xisbigu gardarro u aragto.
Waxa shirkaas lagu soo qaaday in si badheedh ah haatan wixii ka dambeeya loola dagaalamo wasiirrada Dagaalka wada, isla-markaana la qaado tallaabo kasta oo lagu horumarinayo Sharciyadda iyo jiritaanka Xisbiga, isla-markaana ay Hoggaanka xisbigu si toos ah maamulaan Xisbiga Go’aamada sharcigu siinayana ay isticmaalaan.
Waxa kale oo la sheegay inay Wasiir Samsam Hoggaanka iyo taageerayaasha Xisbiga u sheegtay inay si buuxda u taageersan tahay Mabaadii’da Guud ee Muuse Biixi, isla-markaana aanay Wax dheef ah u arkin sii Haysashada Xilka Wasiirnimo oo ay muddooyinkii dambe ku qabtay Hiif iyo Haaraan kaga imanaya Dhinaca Madaxtooyada, gaar ahaan Haweenka Farriimahooda la dhegaysto.
Waxa ay Marwo samsam tilmaamtay in maalinta ay isu garan weydo Kasii mid ahaanshaha Kooxda Fad-qalalada wadda, ay si toos ah iskaga calisi doonta Xilka ay Hayso oo aanay kalsooni badani u oolin madaxtooyada.
Waxa kale oo ay Samsam halkaas ka sheegtay in dagaalka socdaa u baahan yahay in qaawanaanta lagu wada Hadlo oo aan looga Habran kooxda Madaxtooyada Tallaabooyinka aanay Xaqa u lahayn ee ay qaadayaan, iyadoo ku Guubaabisay Hogaanka Xisbiga inay Farriimaha ay dirayaan ku Badiyaan qaar ay Madaxweynaha wax badan ugu iftiiminayaan.
Wasiirka ayaa ku adkaysay Hoggaanka Xisbiga in madaxweynuhu si toos ah ula safan yahay Kooxda Wasiirada, isla-markaana loo Baahan yahay in Dagaalka la wado isaga Qudhiisa lagu daro oo aan laga reebin haatan wixii ka dambeeya, maadaama uu dhegaha ka furaystay inuu dhegaysto Hoggaanka Xisbiga oo uu u dhego nuglaaday kooxda kale.
Xubno ka mid ah Hoggaanka Xisbiga oo aan la magacaabin ayaa halkaas ka sheegay in Arrinka Wasiir samsam yahay mid ku haboon in lagu dhaqmo, waxana uu ku adkaystay in Haatan wixii ka dambeeya Tallaabooyinkii la waday wax badan laga baddali doono, lana isicmaali doono awoodaha sharci ee Hogaanku leehaya.
Wasiirka Waxbarashadu waxa kale oo la Sheegayaa inay HOggaanka Sare ee Xisbiga siisay Xog ku saabsan Cidda Shidaysa Dabka Madaxtooyada ka Baxaya, iyadoo shaaciysay Kooxo cusub oo Dagaalka Hoosta kaga jira, isla-markaana loo baahan yahay in la ogaado.
Ugu dambayntii waxa la isla gartay in la soo gaabiyo Habrashada Hoggaanku ka Habranayo Madaxweynaha oo si toos ah loogu daro dagaalka lagula jiro wasiirrada Madaxtooyada Fadqalalada ka wada.
Waxa kale oo Halkaas la iskula qaatay in ayaamaha dhaw la gudo geli doono Samaynta iyo isku soo dubba ridka Golaha Dhexe ee Xisibiga, Hawshaasna laga Qayb gelin doono cid kasta oo loo arko inay Xisbiga Abaal ku Leedahay.
Shirar Doceedyada Socdaa kuma koobna oo kaliya kii xalay Dhacay, waxase socda Kuwo kale oo ay wadaan Dadka taageersan Hoggaanka Xisbigu, waxana la Filayaa inay sii Socon doonaan ilaa la gaadhayo xal waara.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com