Xal Is afgarad oo lagu Furdaamiyay Khilaaf ka dhex oognaa Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Kalluumaysiga
Hargaysa 04.Feb 2014 (SDN)- Afar wasiir oo uu Madaxweyne xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici u saaray xalinta khilaaf ka dhex taagnaa wasiirka kalluumaysiga Md. Cali Buured iyo Agaasimihiisa guud Md. Maxamed Cilmi Aaden (Ilkacase), ayaa shalay soo gunaanaday xalinta khilaafkaas.
Wasiirka kalluumaysiga Md. Cali, ayaa agaasimaha guud shaqada ka joojiyay toddobaadkii hore, ka dib markii ay labada masuul isku maandhaafeen hawlaha shaqada. Warbaahinta madaxabanaan qaarkeed ayaa baahisay in khilaafka labada masuul salka ku hayo shir ay hay’adda FAO doonaysay inay gudaha Somaliland ugu qabto wufuud ka kala socota Somaliya iyo Puntland, kaas oo la sheegay inuu wasiirku aqbalay balse uu agaasimaha guud ku gacan saydhay, isagoo ku doodaya inaan shir noocaas ah lagu qaban karin wadanka Somaliland maadaama oo dadka ka qayb galayaa ay ka socdaan dawlad iyo maamul aan aqoonsanayn Jamhuuriyadda Somaliland.
Hase yeeshe afarta wasiir oo shalay xarunta wasaaradda isugu geeyay wasiirka iyo agaasimaha guud, ayaa la sheegay inay khilaafkaas soo af-jareen iyagoo gacmaha isu saaray wasiirka iyo agaasimaha, ka dib markii ay labadoodaba ka dhagaysteen tabashooyinka ay kala tirsanayeen.
Khilaafaadka ka dhex jira wasiirada iyo agaasimayaasha guud ee xukuumadda Somaliland ayaa u muuqda inay soo noqnoqonayaan, waxaana hore u jiray wasiiro iyo agaasimayaal guud oo markii ay isku dhaceen ay wasiiradu shaqada ka joojiyeen.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
XIGASHO; WARGEYSKA GEESKA AFRIKA