Xaglo toosiye oo xilka maanta la wareegaya,iyo Saylici oo caro jiq ah
Hargeysa Oct 21,2012(SDN/Hubaal)-Wasiirka Cusub ee dhawaan Madaxweynuhu u magacaabay wasaaradda dib u dejinta Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo hore u ahaa Hoggaamiyihii jabhadda SSC ayaa la filayaa inuu saaka si rasmi ah ula wareego xilkaasi.
Magacaabista Xaglo toosiye oo kamid ahayd shuruudihii Xaglo toosiye soo hor dhigay shirarkii iyo wada hadaladii ay wada lahaayeen Xukuumadda Somaliland iyo garabka buuhoodle ee uu hoggaaminayay ayaa loo arkaa inay tahay mid lagu soo xero gelinayo beesha deegaanka Buuhoodle. Xilwareejintan saaka oo sida la filayo ka qabsoomi doonta xarunta wasaaradda dib u dejinta waxa hadalo ka jeedin doona xubno uu kamid yahay wasiirkii hore ee wasaaraddaaas haatanna ah wasiirka cusub ee wasaaradda warshadaha Cabdirisaaq Cali Cismaan oo la sheegay in uu ka cadhooday digreetada madaxweynuhu kaga wareejiyay wasaaradaas oo dhawaan uun la hoos keenay hay’adda Samafalka ooh ore madaxtooyada uga tirsanayd.
Warar Wargeyska Hubaal ka helay ilo xog ogaal ah oo u dhuun daloola arrintaas ayaa sheegay in Wasiir Cabdirisaaq ku tilmaamay xil wareejintiisan mid Madaxweynuhu ku soo dhawaysanayo masuul xurgufi hore u kala dhex taalay isla markaana Wasaaradan lagu naas nuujinayo isaga loo dhiibay wasaarad aan dakhli iyo degsiimo toona lahayn.
Dhinaca kale warku waxa uu intaa ku darayaa in Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdirisaaq Cabdillaahi ISmaaciil oo dorraad dalka ka dhoofay ka cadhooday isku bedelkan labada masuul isagoo la sheegay in cadho uu ka muujiyey arrintaas darteed uu daarnaa socdaalkiisii dorraad ee uu imaaraadka ugu ambo baxay. Magacaabista Xaglo toosiye ayaa u muuqata mid dab iyo dood ka dhex abuurta madaxtooyada dhexdeeda iyada oo wasiirka Madaxtooyadana loo tirinayo in uu arrinatan ka shaqeeyey muddooyinkii u dambeeyeyna ay saaxiib dhaw noqdeen Xaglo toosiye.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com