|

Xafladii Xalay ee Xarunta Madaxtooyada Somaliland”DAAWO SAWIRO”

Hargeysa 19.May (SDN) Xarunta Madaxtooyada Jsl ayaa lagu qabtay xaflad balaadhan oo lagu xusayey munaasabadda 18-ka may ee sanadguuradii 22-aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland madaxbanaanideeda la soo noqotay sanadkii 1991-kii

Xafladda oo ay ka soo qayb galeen Mas’uuliyiinta ugu saraysa Qaranka sida Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Mxamed Maxamuud (Siilaanyo), Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md Saleebaan Maxamuud aadan, Gudoomiyaha Golaha wakiilada MD Cabdiraxmaan Maxamed cabdilaahi, Gudoomiyaha Maxkamadda sare Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil cali, madaxda Xisbiyada Qaranka, Golaha wasiirada Somaliland qaar kamid ah, saraakiisha cidanka io marti sharaftii kale ee munaasabadda awgeed ay u soo direen dalalka derisku gaar ahaan Itoobiya iyo jabuuti.

Xafladda oo ahayd mid socotay muddo saacado ah ayaa waxaa suugaan kala duwan ka turjumaysa qaranimada Somaliland iyo taariikhdii loo soo maray ku soo bandhigay fanaaniinta Qaranka.

Munaasibadan oo isugu Jirta Casho Sharaf iyo Riwaayad ayay Fanaaniinta Qaranku ku soo bandhigeen Masrixiyad ka Turjumaysa Marxaladihii kala duwanaa ee dalkani soo maray laga soo bilaabo xiligii ay Somaliland ku hoos jirtay Maamulkii Boqortooyadii Ingiriiska iyo Wixii ay ka dhaxashay Midnimadii ay la gashay Somalia-da Koonfureed ee uu Gumaysan jiray Talyaanigu .

Sidoo kale Riwaayadan ayaa lagu Iftiimiyay Waxqabadkii Wadankan u hirgalay Mudadii 22 ka sanno ahaa ee uu haystay Xoriyadiisii.

Dhanka kalena Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud  ayaa isla xafladaasi hadal kooban oo uu ka jeediyey waxa uu uga mahad naqay dalalka deriska la ah somaliland ee wufuudda u soo diray ka  qaybqaadashada dabaaldegyada 18-ka May,Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu Jaray Keeg lagu Xardhay Calanka Jamhuuriyada Somaliland.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed