|

Xaflad Balaadhan Oo Ay Soo Qaban-qaabiyeen Ururka Somaliland Concern Group Oo Ka Dhacday Galbeedka Magaalada London Ayaa Shahaado Sharaf Lagu Guddoonsiiyey Abwaan Siciid Ilkajiir Daawo Sawirada‏

London 3/1/2013 (SDN) Xafladd  ay soo qaban qaabiyeen  Ururka Somaliland Concern Group  oo ka dhacay Galbeedka Magaalada London.Munaasibadaa ayaa waxa kasoo qayb galay aqoonyahano, abwaano iyo dhalinyaro ka kala yimi daafaha magaalada London, halkaasi oo xubnihii ka hadlay ay dhaamaantood ku dheeraadeen qiimaha uu abwaanku  ku dhex leeyahay bulshada dhexdeeda , waxa kale oo ay xuseen kaalintii uu abwaanka qarnigu kulahaa is badalkii wadanka ka dhacay,wakhtigii Xukuumaddi Madaxweyne Riyaale,  waxaanay ka sanqadhiyeen in xiligii uu abwaan siciid Kulmiye uu heesha guubaabada ah u samay nayay in uu ahaa abwaankii qarnigii,maanta markii uu tilmaamay tabaha qaloocan ee siilaanyana uu noqday nin kale,waxa kale oo ay  abwaanka ku hanbalyeeyeen sida geesinimada leh ee u had iyo jeer abwaanku dulmiga aanu uga aamusin.

Dhawr todobaad ka hor ayay ahayd markii uu abwaanka qarinigu sameeyay hees uu ku tilmaamayo habdhaqanka madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, iyada oo ay heestaa si aada uga cadhoodeen taageerayaasha Madaxweyne Siilaanyo,waxana ka soo noqday fal celin aad iyo aad u fool xun  iyada oo aanay u kala hadhin qolyaha xukuumada hayb ahaanta u taageera oo ay hanjabaad iyo  handadaad isugu daray abwaankii ay heestani maskaxdiisa ka soo maaxatay.

Waxaa isna goobta kahadlay Gudoomiyaha Ururka Somaliland Concern Group Mudane Axmed Yaasin wuxuna yidhi ?Abwaan Saciid (Ilko-jiir) Maanta Shahaado  Inagama Mudna ee waxay ahayd in aynu Taalo u dhisno, maadama Uu noqday Abwaankii ugu horeeyaya ee ka damqaday Cadaaladda Daradda, Dulmiga, iyo Eexashadda qabiilaysan, xasuuqa,  xukuumadda Axmed Maxamed Silaanyo. Waxanan filayaa in Abwaanku furi doona dariiqa in ay  Abwaane kale kudaydaan?

Waxaa Isna goobtaa hadalo kooban kazoo jeediyay Abwaan Siciid  (Ilko-jiir) oo aad ugu mahadnaqay Ururka Somaliland Concern Group iyo dhalinyaraddii kale ee kazoo qaybgashayba wuxuuna balanqaaday Abwaanku in marnaba inuuna Xaqa lagabanayn cidna uga waabanayn, halgankiisa sugaaneed ee kudifaacayo cadalaadda uu siwadayo, wuxu kale Abwaan Siciid Ilko jiir  uu goobta kusoo bandhigay Fariimo foonkiisa loogusoo diray oo loogu hanjabayo laguna caayayo, waxaan kala wareegay fariimihii iyo numbaraddi Ururka Somaliland Concern Group oo latiigsanaya sharciga dalkan Ingiriiska yaala oo ah hantidaad lagu hayo qof haysta sharciga Dhalashadda Ingiriiska.

Madashan ay soo qabanqaabiyeen urur Somaliland Concern Group ( ururka danaha Somaliand) o ah ay kubahoobeen dhalinyaro kasoo jeeda dhinac kasta daafaha Somaliland ayaan iyadana lagu qorsheeyay sidii Ururka loobalaadhinlahaa waxna loogu qabanlahaa  dadka  Dulmin ee Xukuumadda Somaliland ay kuhayso caga juglaynta iyo Cadaaladda darada taasoo loosoo  bandhigi doono  Caalamka. Iyadoo laqorayo nuqulo iyo waraaqo  Bulshadda Caalamaka (International Community)  loo qaybinaayo.

Ugu dan bayntii waxa abwaanka qaranka shaahado sharaf gudoon siiyay Gudoomiyaha ururka Somaliland Concern Group Md.  Axmed Yaasiin Maxamed Jaamac. Waxaa gabagabadii Xafladda   Ururka Somaliland Concern Group  iyo dhalinyaraddii kazoo qaybgashay waxay Balanqaadeen in ay Markasta Garab taaganyihiin Abwaan Siciid (Ilko Jiir) taageero Hiil iyo garab ahna Lagarab taaganyihiin.

Fiiro Gaara: Ururka Somaliland Concern Group waa Urur kashaqeeya Danaha reer Somaliland dhiirigalinaya Nabadda, Midnimadda iyo Cadaaladda. Ururku wuxuu wax uqabanayaa Ummadda Xukuumadda Somaliland ay Dulminayso Maalinkasta iyadoo U adeegsanaya Dhamaan waxkasta oo Lagu toosin doono Xukuumadda Somaliland.

Waxaad Kalsoo xidhiidh kartaa Emails

Guddomiyaha Ururka Somaliland Concern Group

Ahmed Yassin

aymjama@hotmail.co.uk

Xoghayaha Guud ee Ururka Somaliland Concern Group

Cabdi Aden Cade (Ina Aden Cade)

Abdiqumane@hotmail.com

Amaba Emailka Guud ee Ururka

Somalilandconcerngroup1@gmail.com

Comments are closed