Xaflad aad u heer sarayasa oo lagu soo dhaweynaayo lataliyaha Arimaha Bulshada ee Madaxweynaha Somaliland Barkhad Jaamac oo ka dhacday Galbeedka London
London 23Jun14(SDN)Ururada Somaliland ee ka hawlgala wadankan Uk oo u horkacayo Safiirka Somaliland u Fadhiya Uk Cali Adan Cawaale iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Cabdala Saalim ayaa waxay soo dhawayn balaran u qabteen la taliyaha Madaxwayanaha ee arimaha bulshada Mudane Barkhad Jamac oo ku sugan wadankan , kulankan oo ay ka soo qayb galeen Axsaabta Qaranka Kulmiye ,Ucid , Wadani ayaa waxa halkaa laga jediyey khudbado aad iyo aad u soo dhaweyey dadwaynahii halkaa ka soo qayb galay taaas oo mujisay Midnimada iyo jiritaanka shacabka reer somaliland oo meel kaliya uga soo wada jeedsaday himilada ay u qabaan wadankooda xafladan ayaa waxa lagu furay ayadaha quraanka kariimka waxa iyagana goobta ka hadlay xubno matalaya xisbiyada qaranka iyo ururada samafalka ee ka hawl gala wadankan oo mujiyey midnimada iyo wada jirka ay ledahay somaliland iyo sidii ay ugu midoobi lahayeen iskana kashan lahayeen sidii wax qabad dhana looga muujiyo , waxa isna u mahad celieyey Imaan oo ku hadlayey gudiga qaban qabada ugana mahad celiey ururadii ka soo qayb galay sida ururka Alkhayria ee gobolka Gabilay ,Hablaha Garoodi, Talo iyo Tawfiiq,Hablaha Arabsiyo ,Hablaha Saxil woman ,Ururka alsadra ee Borama gabagabadii ayaa waxa hadal waano iyo talooyin iyo mahad naq u soo jediyey La taliyaha madaxwayna Barkhad Jamac kuna gubabiyey reer uk sinaanta iyo ka foganshaha qabyalada iyo in laga midoobo qaranimada somaliland gabagadii ayaa waxa shahado sharaf iyo hadiyad gudoonsiyey Xisbiga Ucid oo garabkiisa haweenka Marwo Farduus Cige ugana mahad celisay gudigii soo qaban qabisay xafladan oo noqtotay mid midaysay xisbiyadii qaranka iyo uraradii bulshada iyo samafalka ee ka hawlgala Uk.