xaflad aad maqaamkeedu aad sareeyo oo loo qabtay ardaydii reer Somaliland ee ka qalin jabisay jamacada dalka ugandha.
Kampala Nov 20,2012(SDN) xaflad aad maqaamkeedu aad sareeyo oo loo qabtay ardaydii ka qalin jabisay jamacadaha dalka ugandha oo kala diyaariyey master iyo digri ardaydan oo loo dhigay xaflada farxada lagula qaybsanaayo farxada waxaana soo agaasimay ururka ardayda reer Somaliland ee (usolsa),waxaana ka qayb qaatay qaybaha bulshada ee Somaliland ee kala duwan haday tahay ganacsato shirkada iyo ardayda reer Somaliland ee jamacadaha kala duwan dhigta oo rool aad uu mihiima ka qaatay ina
jaliyadda oo aad uga qayb qaadatay
Hadabo xafladan oo ka dhacday hotelka weyn magaciisa la yidha xafladan oo ahayd markaad korka ka eegto bilicda guud oo muujisay sawir aad qurxoon oo ay is qabsadeen midabada quruxda badan,ee ay ku labisnaayeen waxaana inta dheera iyana garab socday qosalka iyo farxada ka muuqatay dhamaan ka soo qayb galayaashi iyo inamadii qalin jabinayey oo madasha ka dhigay mid nuuraysa oo ahayd habeen tariikhiya.
Xafladan ayaa waxa aad uu soo agaasimay dhankooda ururka ardayda Somaliland ee dalka ugandha oo runtii xil weyn iska saaray manay ahayn mid kali ku noqotay oo ay kala shaqeeyen dhamaan bulshada kala duwan ee Somaliland .
Waxa madasha ku sugna dhamaan gudoonka ardayda reer Somaliland oo uu horeeyo guddomiyaha ururka ardayda Somaliland Md xasan muuse iyo kuxigeenkiisa abdi salaam ali iyo madaxda excutive oo kala socda dhamaan jamacadaha kala duwan o ay uu matalayaan hogaanka jamacada kala duwan ee dalka ugandha hal dalad oo mideeya halka marki hore ay ka ahayeen ururo kala duwan.
Waxa iyana halka madasha ku sugna hogaanka jaliyadda Somaliland oo uu horeeyo guddomiyaha jaliyadda ugandha sead iyo guddomiyaha golaha dhexe fuaad yusuf xariir sul
dan.
Hadabo dhamaan guddomiyaha ururka ardayda iyo guddomiyaha jaliyada iyo marti sharaf kale oo badan dhamaan tood iska daba maray faaiidada ay leedahay waxbarashadu adamahana uuleedahay waxaana ka mid ahaa guddomiyaha ama managerka dahabshiil oo halka marti sharafta iyo ardayda uga soo jeediyey hadalo dardaaran ah iyo hogo tusaalayan,ay uu bogeen dhamaan ka soo qayb galayashi xafladu waxaanu kula dardaarmay ardayda qalin jabisay inay waxbarshada halka ka sii wadaan .
Dhanka kale waxa isna halka ka hadlay guddomiyaha ururka ardayada Somaliland ee dalka ugandha xasan muuse hanbalyo iyo bogaadin uu diray dhamaan ardayda qalin jabisay oo uu yidhi waan idinla qaybsanayna farxada idinkuna hanbalyeyna ilahay tacabkiina ha ka dhigo mid aad dalkiina iyo dadkina iyo diintiina ku anfacdaan.
Dhanka kale waxa isna halka ka hadlay guddomiyaha jaliyada ugandha sead oo isna si lamida uu hanbalyey ardayda qalin jabisay una raaciyey in ilahay ku anfaco aqoonta ay barteen waxaan ilahay idinka baryaaya in ilahay idinku anfaco anaga iyo dalkii Somaliland aqoonta aad barateen.
Dhanka kale waxa halka ka hadalay guddomiyaha jamacada kiu ee ardayada Kenya ah oo ah masuul uu dhashay Somaliland oo khudbad cajiiba ka soo jeedieye madasha oo aad loola dhacay waxaanu dhmaan uu soo jeedieyey hanbalyo iyo bogaadin dhamaan ardaydi halka ka hadashay oo uu yidhi noqda kuwu an faco aqoontoodu ee dalkooda faaido ku celiya
Dhanka kale waxa iyana halka ka hadlay dhamaan ardayda qalin jabisay jamacadaha kala duwan oo iyana aanu qormooyinka danbe aan mid mid idinku soo gudbin doono hadalada ay madasha ka yidhahdeen ,waxaanad kala socotaan shabakada SDNnews iyo waliba sawiro dheerada
+256791661106
OFFICE /KAMPALA /UGANDHA