Xafiisyada Qaramada Midoobay Ee Nairobi Oo Cabsi Darteed Awaamiir Cusub Lagu Soo Rogay
Nairobi:May,20,2014(SDN/QJ)-Cabsida iyo Qaraxyadii ka dhacayey Xarunta Kenya ee Nairobi, ayaa keenay inay qaramada Midoobay Go’aan cusub ka qaadato dhacdooyinkaas Soo Kordhay.
Waxa Gebi ahaanba si xooggan loo adkeeyey xafiisyadii qaramada midoobay ku lahayd Halkaasi, iyadoo Heegan la Geliyey Ilaalada gaarka ah ee Xarumahaas, maadaama ay Nairobi Xuddun u noqotay Mawjado qaraxyo ah oo kooxo islaami ahi Geysanayaan.
Agaasimaha Xafiisyada Qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi Sahle-Work Zewde ayaa sheegtay in la qaaday tallaabooyin lagu adkaynayo ammaanka xafiisyadooda oo ay ku jiraan xadeyn dheeraad ah oo lagu sameeyay gelitaanka xafiiska Qaramada Midoobay ay ku leedahay xaafadda Gigiri ee magaalada Nairobi.
Waxay tilmaantay in sidoo kale la xaddidayo gelitaanka gawaadhida ee xafiisyadaas iyo dadka kale ee Goobahaas hawlaha u imanaya.
Sahle ayaa sidoo kale Tilmaantay in dhammaan shaqaalaha, hay’adaha iyo barnaamijyada ka howlgala xafiisyada Qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi loo sameeyay gaadiid gaar ah, si loo muujiyo howlgal mideysan.
Maareeyeyaasha shaqada ee xafiisyada UN-ka ayay u soo jeedisay in shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala xafiisyada Nairobi la siiyo waqti ku habboon shaqada, xidhiidh joogto ah iyo in la tifaftiro shaqada la qabto toddobaadkiiba mar.
Sahle-Work ayaa xustay in Kenya ay ku soo badanayaan weerarrada argagixisada, kuwaas oo dhacayay bilooyinkii u dambeeyay.
Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 70 kalena way ku dhaawacmeen laba qarax oo Jimcihi lala beegsaday Bas ka mid ah kuwa dadweynaha iyo dukaan ku yaalla suuqa Gikomba ee magaalada Nairobi.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com