|

Xafiiska UNPOS oo Canbaareeyay Qaraxii Shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Muqdisho March 19 2013 (SDN)—War-qoraal ah oo laga soo saaray Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobay ee UNPOS, islmarkaana uu ku qornaa Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Soomaaliya U qaabilsan  Agustina P. Mahiga ayaa waxaa lagu canbaareeyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho.

Agustina P. Mahiga, oo warsaxaafadeedkan ku qornaa ayaa waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay canbaareyneyso weerarkaasi fooshaxun waxaana uu intaasi ku daray in uu ka murugsan yahay dhibaatada soo gaartay dadka Soomaaliyeeed.

”Somalia waxa ay horumar weyn ka sameysay Ammaanka, waxaana falalka Argagixisada loogu hortegi karaa umadda Soomaaliyeed oo u midowda” ayuu yiri Mahiga, oo falkii shalay ku tilmaamay mid laga argagaxo lagana xumaado.

Agustina P. Mahiga ayaa Tacsi u diray dhamaan Eheladii ay dadkoodu ku geeriyoodeen qaraxaasi waxaana uu ugu baaqay Shacbiga Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan Nabada iyo hormarka dalka Somaaliya.

Dhanka kale waxaa Qaraxaasi Canabaareeyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyadoo qaraxaasi lala eeganayay Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg.

SDN

Comments are closed