Xafiiska Somaliland Ee UK Oo U Dhaw Inuu Xidhmo
Hargeisa 27/ 9/2014(SDN/QJ) Somaliland ayaa 23 kii sannadood ee la soo dhaafay ku lahayd xafiis dalka Ingriiska, kaas oo qaban jiray xidhiidhinta danaha Somaliland ee dalka Ingiriiska oo ka mid ah waddammada sida mugga leh u daneeya Somaliland dhinacyada dhaqaalaha, dibudiska iyo siyaasaddaba.
Waxa Xafiiska Somaliland ee UK iskaga danbeeyay haldoor iyo aqoonyahanno waayo aragnimo dublamaasiyadeed u leh hawsha baaxadda leh ee ay ummadda u hayaan oo uu ay ka mid ahaayeen Cisman Indhoole iyo Adan Muse Jibriil oo labaduba aqoon iyo xirfad iyo waayo aragnimo u lahaa hawsha ay gacanta ku hayeen.
Nasiib darro waxay dhacday markii Ingiriiska loo soo magacaabay Wakiilka hadda jooga Cali Adan oo aan haba yaraatee wax khibrad aqoon iyo dadnimo uu ku wado hawlaha xafiiska aan lahayn.
Cali wuxuu ku kasbaday in loo soo magacaabo xilkan aanu qaadi Karin hab qaraabaysi iyo xididnimo uu aad iskugu dejiyay wasiirada dawladda ugu tunka wayn oo keentay aakhirkii in loo magacaabo shaqo aanu aqoonteedii iyo milgaheedii midna lahayn.
Intii Cali Adan joogay xafiiska UK ee Somaliland waxa dhacay dibu dhac wayn oo ku yimid geeddi socodkii ICTIRAAF RAADINTA maaddaama aanu Cali haba yaraatee wax aqoon ah u lahayn xidhiidhka dawladaha iyo la macaamilkooda shaqadiisiina noqotay inuu ku dhex ordo Jaaliyaddii reer Somaliland ee UK ee isku duubnaan jirtay oo uu FITIRFAATIR u kala daadiyay.
Cali waxuu shaqo ka dhigtay inuu kala qabyaaladeeyo jaaliyadda oo kala qaraabaysto oo madax isku galiyo Jaaliyaddii karaamada lahayd ee UK waxana kal mid hagardaamooyinkii uu sameeyayay intii uu joogay Xafiiska:
- Inuu kala qoqobo jaaliyaddii midaysnayd ee reer UK
- Inuu qabsaday shaqadii xafiiska Qurbojoogga oo uu mooday inay shaqadiisu tahay in la dhex boodo jaaliyadda UK
- Inuu isku dayay inuu xafiiska UK oo ku yaalla xaafadda East London u soo raro meel gurigiisa u dhaw isaga oo danahiisa gaarka ah eeganaya ee aan marnaba ka fakarin ama aan eegin saamaynta ay leedahay oo keentay inay isku dhacaan odayaashii reer East London oo markii hore xilka xididnimo kula raadiyay
- inuu aad u dhex boodo munaasibaddii 18 May oo uu noqday Wakiilkii u horreeyay ee dhallinyaro mutadawaciin ahi intay TV yada soo joogsadeen sheegeen inuu Cali Aden lunsday lacagtii 18 May 2013 ee loogu talogalay Agoomaha dalka ku tabaalaysan.
- Inuu si milgaha ka baxsan u maamulay safarkii u danbeeyay ee Madaxwaynuhu ku yimi London oo aanay la socon wasiiraddii hab-maamuuska yaqaanay oo intuu cidlo ka helay ku TUKIYAY meel aqalkiisa u dhow oo ay REER XAMARKU XALWADDA ku iibiyaan oo keentay inay cidina ka soo xaadiri waydo.
- Inuu noqdo mar darawal, mar karaani, mar cunto dhigdhige, mar ninka makarafoonka haya. Shakhsi bilaa milgo ah oo wax walba dhex socda oo aan shaqadii u kala qaybsanayn.
Waxay hadda taagan tahay in Xafiiskii UK ee Somaliland xidhmo oo aan haba yaraatee wax shaqo ahi ka socon ka dib markii Cali Adan bilaabay safarro ganacsi iyo dilaalis ah oo uu ku tago waddamada Carabta iyo China iyo Hargaysa oo aad mooddo inuu hadda isku beddelay SHAARSHAARRI, isaga oo safarkiisii u danbeeyay hadda ku jooga Hargaysa oo la og yahay inuu u joogo dillaalis iyo inu madaxda qaranka ka ag xuuraamo isaga oo ka shakisan in xilka laga qaado.
Waxan ku soo gabagabaynayaa si loo soo celiyo haybaddii iyo karaamadii ummadda iyo dawladda Somaliland ee dalkan UK waa in sida ugu dhakhsaha badan looga beddelaa xafiiska UK ee Somaliland Cali Adan oo la keenaa qof aqoonteedii, sharafkeeda iyo milgaheedaba leh oo hanan kara hawsha baaxadda leh ee xafiiska is dul tuulan.