Xafiiska Ra’izul Wazaaraha dowladda Ingiriiska David Cameron ayaa saaka waxaa ka dhacay shir albaabadu u xiran yihiin oo si gaar ah loogu cazuumay qaar ka mid ah madaxda iyo shaqaalaha TVga Universal.
London 15April13 (SDN) Xafiiska Ra’izul Wazaaraha dowladda Ingiriiska David Cameron ayaa saaka waxaa ka dhacay shir albaabadu u xiran yihiin oo si gaar ah loogu cazuumay qaar ka mid ah madaxda iyo shaqaalaha TVga Universal.
Waxaa shirkii saakay ka qeyb galay madaxa farsamada Tvga Universal, Cabdalla Cumar Mudhiir iyo sidoo kale qaar ka tirsan weriyayaasha Tvga oo ay ka mid ahaayeen weriye C/xaafid Maxamuud Jaamac iyo Maxamed Siciid Asahaaf.
Waxaa shirka looga hadlay 3 qeybood oo muhiim ah oo kala ah:
1- Wada-shaqeyn buuxda oo dhex marta dowladda Ingiriiska iyo TVga Universal.
2- Hirgellinta barnaamijyo ku saabsan sidii la iskugu xiri lahaa bulsha weynta Soomaaliyeed ee ku nool UK iyo dowladda Ingiriiska. Barnaamijyadaas oo ahaan doona kuwa wacyi-gelin ah oo waxtar u lahaan doona bulshada Soomaaliyeed ee UK.
3- U diyaar garowga shirka Soomaalida ee lagu qaban doono magaaladatan London bisha May ee sanadkaan 2013ka iyo sidii uu TVga Universal u gudbin lahaa barnaamijyo gaar ah oo ku saabsan shirka Soomaalida.
Qaar ka tirsan madaxda xafiiska Ra’izul Wazaaraha dowladda Ingiriiska, David Cameron ayaa iyaguna balan qaaday inay wada-shaqeyn buuxda oo dhinacyo badan taabaneysa ay la sameyn doonaan TVga Universal ayna diyaar u yihiin sidii ay wada-shaqeyntaas u noqon laheyd mid joogta ah oo waxtar u leh bulsha weynta Soomaaliyeed qaasatan kuwa ku nool gudaha dalka Ingiriiska.
BY WARIYE ABDIHAFID MAHAMUD JAMA UK/LONDON
London Somali diaspora on Somalia’s future