|

Xadhig Jar Xadhig Xidh

Iska daba wareeg iyo jahawareer maalin joogta ah waa caado uu leeyahay nidaamka talada dalku gacantiisa ku jirto.
Tan iyo intii uu maamulka madaxweyne Siilanyo ku suntan yahay dalka ka talinaayay, waxa sijoogto ah u socday xiisado iyo ismaandhaafyo dhinacyo badan leh. Kuwaas oo qaarkood sababeen dhimasho dad rayid ah iyo dhaawacyo ama khasaare kale oo naf iyo maalba leh.

Dhacdooyinkan oo tiro beelay waxay qarankii somaliland ee sanado yar uun ka hor u ekaa sheeko guuleysatay ka dhigeen mid dheeldheeliya oo qarka u saaran in uu inala dhaco.

Arintan oo ah mid khatarteeda leh ayaa hadii aan xal degdeg ah loo helin waxa ay inoo horseedeysaa burbur hor leh oo ay Somaliland fooda la gasho. Waayo waxa aan aqoon u leenahay sida fudud ee uu qaran dhisani ku bur buri karo ee hoog iyo halaag looga dhaxlo iyo sida ay u adagtahay in dib loo dajiyo oo xaalada sidii hore loogu soo celiyo.

Qodobadaasi waa kuwo ay waayo aragnimadeenu ina bareyso iyo casharadii aan colaadaha, amni darrada iyo dhibaatooyinka la xidhiidha ka baranay.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa waxa aan hadana ka maqalnaa warbaahinta kala duwan madaxweynaha oo xadhiga ka jaraya mashaariic la dhameystiray.

Run ahaantii waa wax wanaagsan oo lagu farxo hasayeeshee waxa daba socda war warkaasi ka fog oo dhiilo iyo naxdinba leh waana midaas tan isukey qaban weyday ee aan isweydiiyay talow ma xadhig ayaa la jaray mise xadhig baa la xidhay.

In badan waxa aan ka fikiri jiray waxa uu madaxweynuhu u qaadi waayay talaabooyin uu ku saxaayo tabashooyinka togan ee la xidhiidha maamulkiisa, si uu u dajiyo dareenada kacsan.

Mudo dheer kadib ayey ii soo baxday jawaabtaasi oo ah in uu jiro maamul ku dhex jira maamul, waana taas xaqiiqada dhabta ah ee meesha taala, ee aadka u xooga badan, ee diidan inuu dalku cagaha dhigo ee ku socota qorshe aan ahayn kan la inoo dhiibay.

Hadaba waxa ay dad badani isweydiin karaan muxuu qoraagu uga jeedaa maamul ku dhex jira maamul. Balse waxa aan idiin sheegayaa in tafaasiisha maamulkaas mulka ka dhex sameysmay, idiinku sharrixi doono qormooyin taxana ah oo aan ku hanweynahay inaan idiin soo gudbiyo todobaadada soo socda haduu Alle idmo.

Qoraaladeydaas waxa aan isku dayi doonaa in ay noqdaan kuwo xamnaarsan xogo muhiim ah iyo macluumaad waafi ah.

Isha ku hay ayaamaha soo socda

ALLAA MAHAD LEH

By: Sakaria Abdi Sulub
past PR of the min. Of Inform.
And Senior journalist
Email: sekriasulub@gmail.com
Mob: +252 63-441-3932

 

Comments are closed