Xadhig iyo xabadi xal miyaa? Xeer miyaa? Ma idiin xalaal baa? Mujaahid Cali Guray
Hargaysa 14.April 2014 (SDN)- “Hadii uu jiro cashar keliya oo xiligii Siyaad Barre aynu ka baranay waxay ahayd inu noqdo in xadhig iyo xabadi aanay marna xal u noqon karin dhibaatooyin qaran”. Sidaas Waxaa Sheegay Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Cadaalada iyo Horumarka Somaliland ee Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray.
Qoraalkan oo aanu ka soo Xiganay Barta uu ku Leeyahay Shabakada Xidhiidhka Dadweynaha ee Face book ayaa u dhignaa “Hadii aynu nahay Somaliland waxaynu moodaynay in casharkaadi uu ahaa mid inagu qaali ahaa oo qiimo aad u sareeya inagu joogay. Sidaa daraadeed wax aynu filaynay may ahayn mar kale indhaheenu ay arkaan xukuumad hab dhaqankii taliskii Siyaad Barre leh oo la wadaagta dulmigii iyo cadaalad daradii, musuq maaduqii, qabyaaladii iyo eexdii iyo qaraabo kiilkii. Qoys korintii iyo xigto miiskii iyo waxba yaynaan ku daalin xumaantiisii oo dhan. Xukuumaddan Axmed Silanyo waxa kale oo xukuumadii Siyaad Barre ay la wadaagta xalka XADHIGA IYO XABADDA oo hortii jire ba meel ku gaadhi waayay. Markaa ma odhan karnaa kuwa maa talada Somaliland ay u gacan gashay waa ardaydii saaqiday ee ilaa hadda aan casharkaa fahmin een qaadan.
Hargeysa cid 20kii February ogayd waa hubaal in aanay ubaxcad keena u quudheen in rasaas nool ku furaan iyaga oo ay ku filayd in cabshadooda uun wixii looga qaban karayo, waa looga qaban karayay eh, looga qabto. Inaga oo og maalka aan tiro beelay oo maalin walba jeebabka gaarka ah ku xeroota in hadana caruurta dan yarta iyo saboolka lagu kordhiyo fiiga ay wax bartaan. Iska daa lakiin diir iyo ayax ooman ayaan wax ay ka dhergayaan jir in kabtoodu waa lix ilaa laba iyo taban, hal dollar iyo malyan dollar iyagaa u baahan oo wax ay is dhaafin karaan ba jirin.
Dhagax Tuurkii ardayda ee 82kii wuxu noqday furihii Halgankii Dibu Xoraynta Somaliland sida uu ka marag kacay gabyaagii caanka ahaa ee AHN eh Qasin oo yidhi:
DA’DII NAGA YARAYDEY WAXA FASHEEN WAAN KU DIIRSADAYE
DALUUNTII AYAA NAGA QODEEN NAGU DABOOLAYDE
DAYMOONAY BAALAHA SIDII DUUL BARAARUGAYE
Maanta halganku(XUMAAN DIID) kii hore oo kale maaha. Sanduuq iyo warqad buu joogaa looma baahna inu dhiig ku daato. Halista jirtaa waa hadii doorashada uu diido inay dhacdo 26June 2015ka. Dhalinyaradu maalintaa codkooda inay ku ciil baxaan oo ku aargoostaan ayaa fursad u ah. NO SAGAASHAN JIR DAMBE. Waxan leeyahay waa la gaadhay markii aa talada dalka hogaamin lahaydeen, waana wakhtigiinii idinku cid kale ha iska siinina. Waa iga talo, inta ogol inay wadada idiin xaadhaan oo qodaxda idiinka sii gurto na kow baan ka ahay. Markaa isu diyaariya in dalka idinku hogaamisaan. Garabkiina na ilaahay ha galo.Guul iyo gobanimo, wa bilaahi tawfiiq.
Hargaysa SDN.