|

Xabbad madaxa kaga dhacday gabadhan xilli la waday hawlgal qoysas danyar ah lagaga raray xarunta Gobolka Hargeysa sannadkii 2011 iyo hooyada qoyska oo soo saartay cabasho iyo codsi

Hargeysa (06.July 2015 (SDN/QJ)- Hooyo Caasha Aadan Cawaale oo ka mid ah qoysaska danyarta ee ku nool Hargeysa, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loogu gurmado inan ay dhashay oo la yidhaa Ayaan Saleebaan Cali Nuur, kuna dhaawacan tahay hawlgal ciidan boolisku dad danyar ah kaga rareen xarunta Badhasaabka Gobolka Hargeysa bishii July ee sannadkii 2011-kii.

qoys danyar ahHooyo Caasha Aadan oo ay wehelinayso inanteeda Ayaan oo xarunta Wargayska Jamhuuriya soo booqday shalay, waxay sheegay in dawladdu ballanqaaday inay dhaawaca inanta baxnaanin doonto, isla markaana lagu xaqi doono dhaawaceeda muddo sannad ah, iyadoo sida heshiisku dhigayey ay ahayd in ballanqaadkaasi qabsoomo sannadkii 2012, balse ayna ilaa hadda cid ka arag dawladda.

Anigoo ah hooyo Caasha Aadan Cawaale waxaan doonayaa in dawladda gaadhsiiyo cabasho la xidhiidha dhaawac xabbad ah oo inan aan dhalay oo la yidhaa Ayaan Saleebaan Cali Nuur loo geystay sannadkii 2011, xilligaas oo ciidan boolis ah xoog ku raray qoysas danyar ah oo aan ku jirnay, kuna noolaa xarunta Gobolka ee Maroodi-jeex, waxaanan ahayn dad badan, iyadoo la noo dalbaday askar badan, markaa dhibaatooyin badan ayaa naga soo gaadhay, waxaa jirta in inanta aan dhalay xabbad kaga dhacday madaxa oo qaybta wejiga soo raacsan ah, iyadoo lafta jabisay oo ay bannaanka ula baxday. Nasiib wanaag Ilaahay xabbadaas kuma dilin ee waxa gaadhay dhaawac xun oo ay ilaa saddex bilood ku jirtay cusbitaalka weyn ee Hargeysa, waxayna koomo miyir la’aan ah ku jirtay muddo saddex maalmood ah, waxana qalliin lagaga sameeyey madaxda,” ayey tidhi hooyo Caasha Aadan.

Waxa ay intaas ku dartay, “Falkaasi waxa uu ahaa mid aad u fool-xun oo dhaawac nag soo gaadhay qoys ahaan, annagoo ah qoys danyar agoon, cid ilaa hadda wax noo qabatayna ma jirto. Waxa jirta in lacag badhi-gooyo ah oo dhammayd ilaa 3 milyan oo shillinka Somaliland ay xilligaas dawladdu bixisay, waxana markii dambe heshiis dhexmaray cuqaashayadii iyo dawladda, gaar ahaan wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Md. Maxamed Cabdi Gabboose iyo Badhasaabkii Gobolka Hargeysa Md. Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje), iyadoo lagu heshiiyey in sannad ka dib la xaqo dhaawac inanta, haddii aan dalka gudihiisa waxba lagaga qaban karinna loo diro dibadda, laakiin heshiiskaas xilligii la kala saxeexday oo ay ka soo wareegtay ilaa afar sanno waxba lagama qaban, cid noo timi iyo cid nala soo hadashayba ma jiraan, cuqaashii maalintaas heshiiska galayna dib nooguma soo noqon, masuuliyiinta dawladduna nalama soo xidhiidhin, annaguna waxaannu nahay dad danyarta ah oo xafiisyadii dawladda la nooma oggola in aannu galno si aannu u helno xaqayaga, cid noo dhaqdhaqaaqda iyo cid xuquuqdayada noo raadisana ma haysano.”

Hooyo Caasha Aadan Cawaale, ayaa u gudbisay dawladda codsi, waxayna tidhi; “Haddaba, waxa aan dawladda, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Badhasaabka Hargeysa iyo madaxtooyada Somaliland ka codsanayaa in xaaladayada hoos loo eego, iyadoo aan aad u codsanayo in wax laga qabto xaalada caafimaad ee inanta ku dhaawacan tahay gacanta ciidanka dawladda, haddii dalka gudihiisa wax lagaga qaban karana wax laga qabto, haddii kalena loo diro dhakhtar dibadeed si loo badbaadiyo mustaqbalka inanta yar haddii Ilaahay sidaas qadaro, maadaama ay kolba sida ay u joogto miyir doorsoomayso, laftana madaxuna dhaawacan tahay.”

Waxa kaloon codsanayaa in xaqa inanta yar dawladdu iska soo bixiso waa dayn lagu leeyahay oo if iyo aakhiraba lagaga xisaabtami doono, maadaama aannu nahay qoys dan yar agoon ah.

Inanta dhaawaca Ayaan Saleebaan Cali Nuur oo da’deedu tahay 22 jir, ayaa iyaduna sheegtay in dareento xannuun sababa inay suuxdo, isla markaana miyir la’aan dhulka ugu dhacdo.

Waan xannuunsadaa oo madaxa iyo neerfashayaasha ayaa aad ii xannuuna, marmarka qaarkoodna aniga oo aan is ogayn ayaan koomo galayaa, waxaanna inta badan I gariira dhinaca midigta ee jidhkayga oo aan ahayn dhinaca dhaawacu igaga yaal oo ah bidixda,” ayey tidhi Ayaan Saleebaan.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed