|

Xabad Joojintii Suuriya oo burburtay

Humus April 15,2012(SDN)-Wararka ka soo baxaya dalka  Suuriya  ayaa maanta sheegaya in ay  dagaalo ka dhaceen  degaanka  Khalidiya  ee magaalada  Xumus , kuwaas  oo u dhexeeya  mucaaridka hubaysan iyo ciidamada  qaranka  dalkaasi, iyadoo ayna  wali dalka  soo galin kooxihii u horeeyey ee goob joogo yaasha caalamiga ah.

Waxana  ay  wararku intaasi  ku darayaan  in ciidamada  qaranka  dalkaasi  duqeyn culus  la beegsadeen  deegaanka  Khaalidiya,  tasooo la  filayo  in halkaasi dad badani  ku dhinteen.

Dhinaca kale, gabadha  u  qaabilsan  arimaha siyaasadda  iyo wacyi galinta  xukuumadda  Suuriya  Butayna  Shacbaan  ayaa ku tilmaantay  goob jooga yaasha  caalamia ah,  in ay  yihiin  qaar  gacan  siinaya  mucaaridka  hubaysan ee u tafa xaytay  dilka iyo burburka  Suuriya.

Miss  Butayna  shacbaan  waxa  ay intaasi ku dartay muddada  ay  joogayaan  kormeerayaasha  dalka  Suuriya  iyo dhaqdhaqaaqoodu  waxa  muhiim ah  in ay  wada tashi  la yeeshaan   xukuumadda,  Suuriya haddii kale  masuul kama noqon doonto  dawladda  Suuriya.

SDN-Humus

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed