Xaaska Maayarkii Hore ee Boorama ee Shalay la Xidhay oo ka Warantay Siday Wax u dhaceen iyo Asbaabaha Xadhigiisa Keenay
Boorama 02.Dec 2014 (SDN/QJ)- Xaaska Duqii hore ee Degmadda Boorama Cabdiraxmaan Shidde Bille ayaa ka Warantay qaabkii ay Ciidamadda Amaanku u xidheen Saygeedda.
Marwadda Guddoomiyihii hore ee Golaha Deegaanka Boorama oo Warbaahintu wax ka weydiisay qaabka loo xidhay Saygeedda, waxaanay sheegtay in Ciidamaddu ay Saakana xidheen laba Caruur ah oo uu dhalay.
Waxaana hadaladeedii ka mid ahaa “Waanu iska fadhinay wax Waaran ah oo ay Askartu siteen ma jirin, si Sharci-darro ah oo aad moodayso in Al-Qaacida meesha ku jirto,Afar Qabaal-bay ahaayeen Askarta tiradoodda ma garanayno intay ahaayeen. Si Arxan-darro ah ayay Caruurtii u jidheen isagii (Odaygaygii) oo ay qaadeen wey wadda dul-mareen dhamaantoodd, ilaa hadda-na wuu na haystaa Qorigii iyo hanjabaaddii ilaa 10:30 subaxnimo ayay hayad, wax alaale iyo waxaanu ognahay ma jirto oo nalagu haysto. Haddii ay cadayn hayso Dawladdu iyadda cadaysan-doonta oo sheegan-doonta.”
Marwadda Duqii hore ee Boorama waxay intaas ku dartay.“Saakana (Shalay) laba Caruur ah oo uu dhalay-baa la xidhay, laakiin Xalay keligii uun-baa la qaaday wax Rabshad ah oo aan ogayn ma jirto. Guriga-na wey baadheen oo wax ay ka heleen ma jirto ileen anagu Al-Shabaab na nihine Askartiina dhamaantood wey ku wareegsan-yihiin Guriga, waxay baadhayaa-na lama garanayo.”.
Dhanka kale Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Shabakada Qurbejoog.com u Sheegay in Maayarkii Hore ee Boorama C.raxmaan Shide Bile uu ku Hawlanaa abaabul ku wajahan sidii Magaalada Boorama Xiliyada Habeenkii loo Sudhi lahaa Calanka astaanta u ah Kooxda Awdal State,Tibaaxahani Waxay sheegayaan in Maayarkii hore iyo Xubin kale oo ay isku fikir ahaayeen ay shirar hoose la yeesheen dhallinyarada Magaalada Boorama,Warku waxa uu intaas ku darayaa in Xubintaas la socotay uu Axadii doraad si qarsoodi ah uga baxay Boorama kadib markii uu dareemay in laga Shakiyay.
Boorama SDN/QJ
contact@qurbejoog.com