|

Xaaska Maayarka Saylac Oo Middi ku DHaawacday Haweenay Boolis ah Oo Khilaaf DHex Maray

Salel:16-March-2014(SDN)-Wararkaka imanaya Magaalada Saylac eeGobolkaSalal ayaa sheegaya in Haweenayda  Xaaska u ah  Maayarka Saylac ay Toorray ku dhaawacday Gabadh  Ka Tirsan Ciidanka Booliska Deegaankaas.

qqqqqqqqqqWararka ayaa intaas ku daraya in Haweenayda Booliska ah ee DHaawacu gaadhay iyo maayarku ay isku khilaafeen DHul ay Deggen yihiin dad ay Gabadhan Booliska ahi ku jirto, kuwaas oo si weyn uga SOo HOrjeestay in laga raro Goobtaas.

Shacabka dhulka laga rarayey ayaa  la sheegay inay Cabashadooda hore ugu GudbiyeenWasiirka Arriaha GUdaha, kaas oo markii Dambe sheegay inaanay dadkaas La Rari karin.

Dhulka ay Maayarka iyo dadka shacabka ahi isku khilaafeen ayaa la sheegayaa inuu ku Yaallo goobo ay dawladdi hore kacaanku lahayd oo ay dadkani markii dambe iska degeen, maadaama aanay DHul haysanin.

 

Haweenayda Dhaawaca Geysatay ayaa la sheegay in BOolisku xidheen, iyadoo Middii DHaawacu Gaadhayna Haatan la Daweynayo.

 

S.D.N

COntact@somalidiasporanews.om

 

Comments are closed