Xaaska Donald Trump oo website-keedii hawada ka saartay markii ay mar kale ay fadeexad dhex fadhiisatay
Washington ,31.July 2016 (SDN/QJ):- Haweenayda uu qabo musharaxa xisbiga Jamhuuriga Melania Trump ayaa bog ay internetka ku lahayd uu hawada ka baxay, kadib markii su’aal laga keenay heerkeeda aqoon iyo shahaadooyinka ay haysato. Horay waxaa loogu eedeeyay inay koobi garaysay khudbaddii Micheale Obama.
Waxaa boggeeda ugu qornaa inay shahaadada koowaad ku diyaarisay Naqshaydaynta iyo Injineeriyadda kana diyaarisay jaamacad ku taalla dalka Slovenia.
Waxa soo baxay warar sheegaya in haweenaydan aysan jaamacadda dhammaysan oo ay sanadkii koowaadba isaga baxday si ay ganacsi dhanka xayaysiinta ah ugu biirto.
Hadda la joogo website-ka gabi ahaantiis ba hawada ayuu ka baxay, waxaana dadkii booqan jiray loo wareejiyay bog kale oo uu leeyahay Donald Trump.
Melania Trump waxay boggeeda Facebook ku sheegtay inay hawada uga saartay website-keedawww.melaniatrump.com maxaa yeelay kama tarjumayo shaqada ay hadda ku jirto, oo arimo hore ayuu ka hadlayaa.
Sheekada ugu wayn waa inay been ka sheegtay aqoonteeda isla markaana ay sheegatay jaamacado aysan dhammayn.