|

Xaaska Anas Al Liby oo Mareykanku sheegeen in ay qabteen oo ka hadashay arimo badan

Tripoli Oct 07,2013(SDN)-Xaaska Anas Al Liby oo shalay ay Mareykanku sheegeen in ay ka soo qabteen magaalada Tripoli ayaa ka warantay sidii odeygeeda loo qabtay iyo eedaha loo heysto.

Xaaska al Liby waxa ay sheegtay in odeygeeda ay qabteen ciidamo la socday laba gaari oo ahaa qaar u dhashay Libiya.

“Ciidamadu waxa ay ahaayeen reer Libiya,Mareykan iyo ajaanib kalena maan arag,hadii aaney gaariiga kale la socon.laakiin ciidamada al Liby qabtay waxa ay ahaayeen qaar u dhashay Libiya”ayay tiri xaaska al Liby mar ay u warameysay TV-ga CNN.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay in al Liby uu ahaa madaxii isku duba riday weeraradii lagu qaaday safaaradihii Mareykanka ee Tanzania iyo Kenya sanadii 1998dii.

Sidoo kale Mareykanku waxa ayaa al Liby ku eedeeyay in uu ka mid ahaa aasaaseyaashii ururka Al Qacida isla markaana uu ka mid noqday madaxdeeda sare.

Xaaska Al Liby ayaa sheegtay in kasta oo uu odeygeedu ku biiray Al Qaacida in uu hadana markiiba isaga tagay.

Waxaana ay intaa ku dartay in aanu Liby ka qeyb qaaadan weerarkii lagu qaaday safaaradaha Mareykanka ee Geeska Africa.

Dawlada Mareykanka ayaan weli ka hadal sheegashadan xaaska al Liby ee ku wejahan qabashadiisa iyo eedaha ay u hayaan.

SDN-Tripoli
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed