|

“Xaalayna odayga (Siilanyo)waxa malaha la daawadsiiyay garsoorihii Cabdiaxman siisiga Masar ee xukunkii suxufiyiinta Aljaziira. Lakiin waa laga bakhtiiyay ……..” Cali Guray

cali gurayHargaysa:25,June,2014(SDN/QJ)-Gudoomiyaha Sadexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Md. Cali Mamaxed Yuusuf(Cali Guray),ayaa ka hadlay sida uu u arko Xukunka Maanta lagu riday Masuuliyiinta Wargayska Madaxa-banaan ee Haatuf.

Waxaa uu sheegay iany Siilaanyo iyo Siisi(Madaxweynaha Masar) ay iska Shabahaan Cabudhinta iyo Caga-juglaynta Saxaafadda.

Waxa sheegay in Xukunka Maanta lagu riday Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftirihiisa ay tahay mid laga soo Go’aamiyay Madaxtooyada Somaliland.

Waxaana uu sidaas ku sheegay War Qoraal ah oo ku baahiyay Barta Uu Xidhiidhka Bulshadda Ku leeyahay ee Facebook,waaxana uu u dhignaa   sida tan:“ Saaxiibkay ina adeerkay Yussuf Cabdi Gaboobe waa la ogaa oo xukuumadan waanu ku kala aragti duwanayn. Beryo hore oo aanu marar telefon ku wada hadlay waxa ugu muhiimsan ee aniga uu i baryi jiray waxa ugu badbayd daa Axmed Slanyo waa mujaahidkiiye iyo Cabdillahi Cukuse daa waa saaxiibkeen eh.
Saaka waaberigii iyada oon cid goobjoog ihi jirin ayaa amar madaxtooyada laga soo dhiibay lagu xukumay. Xaalayna odayga waxa malaha la daawadsiiyay garsoorihii Cabdiaxman siisiga Masar ee xukunkii suxufiyiinta Aljaziira. Lakiin waa laga bakhtiiyay qayladii dunida dimuqraadiga ihi ay ku dhufteen ee afka iyo indhaha la wada xidhay.
Ku digan maayo Yussuf oo qof dulman anigu kuma digto ku digashadana ma aqaan. Lakiin hadana waxan odhanayaa Yussufna intii aan Muuse Biixi hore u idhi.

ADAA HABAR WARKEEDIYO
HAWO BEENA RAACOO
SHAYDAAN KUU HALOOSEE

HORTA WAA ABAALKAA
HADIMADA KU GAADHIYO
WAXAD HAWL LA KULANTEE
MA KA HEESTAY CEEL DHEER
MA KA HEESTAY CEEL DHEER
MA KA HEESTAY CEEL DHEER”

 

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed