|

Wararkii u danbeeyay ee Magaalada Taleex oo ay Ciidamada Somaliland Maamulkeeda la Wareegeen

Taleex 15.April 2014 (SDN)- Ciidamo Somaliland ka socda oo saakadii hore soo gaaray deegaano ka tirsan degmada Taleex ayaa lagu soo waramayaa inay la wareegeen Degmada Taleex oo maalmihii ugu danbeeyay shir laga qaban qaabinayay.

TalexWararku Waxay Sheegayaan in ciidanka Somaliland ay magalada kasoo galeen labo jiho ayna wadaan howlgalo kala duwan oo ku aadan la wareegista guud ahaan mamulka magalada.

Dagaal aan wax badan laga ogayn ayaa ciidanka Somaliland iyo kuwo Taleex ku sugnaa ku dhexmaray duleedka Waqooyi ee Taleex iyadoona aan la sheegi karin ilaa iyo hada khasaaraha kasoo baxay.

Somaliland ayaa maalmihii ugu danbeeyay dhaq-dhaaq ciidan ka waday deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalada Sool iyo Sanaag.

Sidoo Kale Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale oo ah Madaxa Hogaanka Hawl gelinta Ciidanka Qaranka oo Isaga oo Ku Sugan Gudaha Magaalada Taleex aanu Khadka Telefoonka Kula Xidhiidhnay ayaa Sheegay in Bulshada Magaalada Taleex ay Si diiran u soo dhaweeyeen Ciidamada Qaranka ee Somaliland Markii ay Gaadheen Barqadii Maanta isagoo intas ku daray inay Shirar hor dhac ah la Yeesheen Qaybaha kala duwan ee Madax dhaqameedka degmadaas.

Dhinaca Kale Shir deg deg ah ayaa ka socda madaxtooyadda Puntland ee Garowe inkastoo madaxwayne Gaas,wasiiradda arrimaha gudaha,.Amniga iyo Taliyayaasha ciidanku ay ku maqan yihiin Socdaalka Mudug.

Col.Cabdilaaho Bootaan Maxmauud oo sheegay inuu ka tirsan yahay ciidanka Booliska Puntland ayaa madaxwayne iyo ku xigeenkiisa ugu baaqay is-casilaad.

Waxa uu sheegay Sarkaal kaasi inay mudo afar bilood ah ku fashilantay Xukumadda Gaas wax ka qabashada Xaalada kasoo cusboonaadan Gobaladd Sool iyo Sanaag.

Xaalada Taleex ayaa hadda degan lama yaqaan ciidanku tilaabada xigta oo ay qaadayaan.

Taleex SDN.

Contact@Qurbejoog.com

Comments are closed