|

“Xaaladda Somaliland marka la eego waxay toos ugu xidhan tahay Ethiopia oo iyagaa gacal u ah, sidii uu Faysal cali waraabe sheegay,” sheikh Xasan Daahir.

Muqdisho:May,21,2014(SDN/QJ)-Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Muddo dheer gacanta ugu jira Dawladda Xasan sheikh ayaa maalintii ururka SYL, waxa uu farriin uu ku guubaabinayo u diray dhallinyarada somaliyeed.

xasan daahirSheekh xasan ayaa ururka Al-shabaab oo uu hore xubin uga  ahaan jirey iyo maamullada badan ee Somalia ka jira ku tilmaamay kuwo kala qaybinaya shacabka somaliyeed.

Waxa uu sheekhu sheegay in inta badan dadka somalida ahi ku nool yihiin Gumaysi buuxa oo ay dawladaha jaarku kaw ka yihiin, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay xukuumadda Ethiopia oo uu sheegay inay u tafo-xaydatay gumaysiga somalida.

Sheekha ayaa si cad u sheegay in dadkii soomaalida ahaa Qabiil la kala dhex dhigay oo lagu kala fogeeyey mabaad’ii aan meel gaadhsiisnayn iyo reernimo si dano gaar ah loogu fushado.

Sheekh xasan waxa uu tilmaamay in Puntland, Somaliland iyo waliba maamullo kale oo dalka Somalia ka dhisani ay noqdeen kuwo talada ka qaata dalka Ethiopia, isla-markaana aanay taasi ahayn wax qarsoon, “Puntland waxa ay toos ugu xidhan tahay Ethiopia, waxana uu madaxweynahoodu gaadhaa halkaas markasta, Xaaladda Somaliland marka la eego waxay toos ugu xidhan tahay Ethiopia oo iyagaa gacal u ah, sidii uu Faysal cali waraabe sheegay, markaa Dalkii waxad moodaa in kii hore mid ka xumi uu Haysto” ayuu yidhi Xasan Dahir Aweys.

Sheekha ayaa ku guubaabiyey dhalinyarada somaliyeed meel kasta oo ay joogaan in looga Baahan yahay inay dhexdooda ka sooraan qabiilka iyo cunfiga la kala dhex dhigay, isla-markaana ay danahooda iyo midnimadooda u jeestaan.

Sheekh xasan ayaa muddo sanad iyo dheer ah ku jirey Gacanta Xukuumadda xasan sheikh, waxana uu naftiisa ugala soo baxsaday Kooxda Al-shabaab oo uu muddo ka tirsanaan jirey, inkastoo aanu aaminsanayn Afkaarta ay hoggaamiyayaasha maanta ee Al-shabaab aaminsan yihiin.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed