|

Xaaladda Kismayo Oo Saaka Deggen Kadib Qaraxyo Dhimasho Keenay Oo Shalay Ka Dhacay

Kismayo:27-Dec-2013(SDN)-Wararka Saaka laga Helayo Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in xaaladdu saaka caadi tahay adeegii Bulshada iyo isu socodkiina si caadi ah uga socdaan halkaas.

 

kimkimMagaalada oo ay shalay ka dhaceen qaraxyo keenay dhimashada tiro dad ah iyo dhaawac ayaa si xooggan loo adkeeyey ammaankeeda, waxana markiiba suuqa u soo baxay ciidan badan oo haatan goobahoodii ku noqday.

 

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay jirto cabsi dhinaca amniga la xidhiidhaa isla markaana loo maleynayo in ciidanka maamulka qudhooda ay qeyb ka yihiin amni darrada magaalada ka jirta.

 

Si amniga loo sugo waxaa maalintii shalay saraakiisha sar-sare amar ka soo baxay lagu sheegay in ciidamada Kismaayo jooga ay iska soo diiwaan-galiyaan xarunta Jaamacadda ee Kismaayo.

 

Waxaa  laga yaabaa in howlgallo maamulka ay ka billaabeen kuwaasoo maalmihii dambe ay ka wadeen si looga hortago kuwa falalka amni darro geysta.

Magaalada Kismayo waxa ku soo noqnoqday qaraxyo mar walba dad lagu laynayo, walina wax xal  ah oo arrintan wax lagaga qabanayo lama hayo, taasina waxa ay walaac ku keentay shacabka magaalada ku nool.

 

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed