Xaalada Siyaasadeed ee Somaliland iyo Doorka Xukuumada iyo Shacabka
Hargeysa Jan 30,2013(SDN)-Hadal heynta ugu badan ee Siyaasadaha isku mutaxan ee Soomaalida ayaa todobaadkan waxa ugu badnaa ka hadalka shakiga iyo maadmadowga soo dhex galay xiriirka Somaliland ay la wadaagto caalamka khaasatana reer Galbeedka.
Aanu ku horeyno hadal heynta oo bilaabatay ka dib kolkii Mareykanku aqoonsaday dawlada Soomaaliya.
Tilaabada Mareykanku qaaday ayaa dad badani u fasirteen in ay caqabad ku keeni karto xiriirka Somaliland iyo beesha caalamka ka dhexeeya.
Waxaadse moodaa in dad badani aaney hore u ogeyn in Mareykanku kiyoon aqoonsaneyn Muqdisho dawladihii soo maray oo uu qaarkoodna uu la xidhiidhiyay xagjirnimo uu hadana ku adkeysan jiray in Soomaaliya ay mid tahay.
Ta kale Mareykanku ma cadeyn in aqoonsiga dawlada Muqdisho ay wax ka bedeleyso macaamilkii uu la lahaa Somaliland.
Sida Dhabta ahna kol suaashaa la weydiiya Hillery Clinton waa ay ka muquuratay in si waadax ah uga jawaabto.
Dadkan qaarkood waxaaney la socon sababta caalamku aanu wgoaan waafi ah uga qaadan rabitanka shacabka reer Somaliland in ay tahay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya oo aaney cidi ku qanacsaneyn.
Iminkase waxa suurtogal ah in dunidu si uun u furdaamin doonto siyaasadaaha ku xeeran ismaan dhaafka siyasadeed ee Somaliland iyo Soomaaliya.
Hadal heynta xigtay taa ayaa aheyd kolkii dhawr cisho ka hor ay wasaarada arrimaha dibedda ee Briain ay bog ay Internetka ku leedahay dhigtay digniin ay u jeedisay muwaadiniinteeda Somaliland doonaya in ay tagaan.
Dalal waaweyn oo dunida ku yaal oo ictiraaf iyo taakulaba ka heysta Britain ayay mararka qaar digniino noocan ah ka soo saartaa.
Dawlada Britain waxa ay muwaadiniinteedu uga fadhiyaan fariimaha nuucan oo kale ah oo ay masuuliyadi ka saaran tahay.
Waxaadse moodaa in ay muuqato ka dib isbedelkii siyaasadeed ee dalka ka dhacay intii uu xilka la wareegay madaxweyne Axmed Siilaanyo in cid waliba ay caadeysatay eedo aan loo meel deyin in dusha loogu saariyo xukuumada.
Xaaladuhu waxa ay cirka isku sii shareereen ka dib kolkii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku dhawaaqay in la furayo diiwaan gelinta axsaabta dalka.
Tartan golleyaasha degaanka lagu tartamayna waxa la shaaciyay natiijo ka careysiisay dhamaan ururadii fursada hore ugu arkayay in la furo axsaabta.
Taa waxa ay keentay mucaaradnimo nuuceedu inagu cusub yahay oo ka dhalatay hab maamulkii guddida Doorashooyinka Somaliland ay tartanka u maamuleen.
Intii ka danbeysay doorashooyinkii golleyaasha degaanka ee Somaliland ayaa waxa cirka isku shareeray eedaha loo jeediyo xukuumada.
Eedahan ayaa qaarkood salka ku haya in ashkhaasta qaar ay u suurtoobi weyday dano reereed ama shakhsiyadeed.
Warbaahinta iyo siyaasiyiinta dalku ha ogaadeen in Somaliland bulsho wada leedahay ee Xukuumad iyo ree toona laheyn.
Hadii Xukuumadu Guuldareysato ama Somaliland guuldareysato Madaxweynuhu eedaa iyo khaasarahaa ku kelyoobi maayo.
Waxa xaqiiqa ah in Xukuumada Somaliland ay hawlo fara badani horyaalan wakhti xaadirkan aynu ku jiro.
Sidoo kale Shacabka Somaliland ayaa hawshan intooda badan ay tahay in ay wax ka qabtaan.
Tusaale ahaan hadii degaan ama reer waliba yidhaahdo sidii aan anigu damco hadaan la yeelin xukuumada ayaanu caqabad ku noqoneynaa.
Ma ahaa in kolkaa hadana la yidhaa xukuumadii waa hawlgab,waxa la doonayaa in qaangaarnimo siyaasadeed la muujiyo oo wixii danta guuda meel looga soo wada jeesto.
Wixii siyaasad guddaha ahna si mucaarid dhisid ah loo soo bandhigo,hadiise qolo waliba dhankeed jiido xukuumada,dee waa la wada guuldareysan doonaa.
Somaliland oo siqiirtaa reer Somaliland oo idil ayay ka siqiireysaa ee sidaa ha loo ogaado.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com