Xaalada Sariifka Oo Halkii Ugu Saraysay Abid Gaadhay Somaliland & Rajo dhiga Shacabka ee Talaabooyinkii Xukuumadu Shaacisay
Hargaysa 20. June 2017 (SDN/QJ):- Shacabka Oo Ilaa Hada Ku Jahawareeray Balan Qaadyo Been U Badan Oo Ka Soo Baxaya Banka iyo Wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa Ilaa hada Ku Guul Daraystay, In ay Xal Ka Gaadhan Sariifka,
Dadka Dhaqaalaha Ka Faalooda Waxay qireen in Labada Masuul Ee Madaxweyne Siilanyo U Magacabay Maaliyada Iyo Banka Ay Yihiin Laba Qof Oo Aan Qorsho Badan u hayn Sidii Looga Bixi lahaa Sicir bararka Isla markaana loo quwayn lahaa qiimaha Lacagta Somaliland oo Si Qiimo dhacaysa Maalinba Maalinta Kanbaysa.
Iyado Lagu Jiro Waqti Dalku Xaalad Cafimaad Iyo Abaaro Naafeeyeen Shacabka Jamhuuriyada Somaliland, Balse Ilaa Hada Aanay Muuqan Wax Qorsha ah Haba yarate lagaga baxo aan ay soo Bandhigin Banka Iyo Wasaarada Maaliyada Oo Ay Tahay In ay Ka Sal Gaadhan, Balse Madaxweyne Siilanyo Oo Lagu Tiriyo In Uu Aqoon U Leeyahay Cilmiga Dhaqaalaha Ayaan Ilaa Hada Ku Guulaysan Wax Ka qabashada Sicir bararkan Saamaynta xoogan ku yeeshay Nolosha Bulshadiisa.
Waxa uu Suuqyada Hargaysa ka Marayaa Sarifka $1 Marayo 9600 shilling kaas oo Ku dhow Toban Kun oo Shilling Somaliland Waxaana Jira baqdin Bulshadu ay Ka qabto inuu Kor u sii Socdo Qiimaha Lacagta Dollarka.