|

Xaalada Deegaanka God Heeli ee Gobolka Sanaag oo Maanta Degen kadib dagaalo Shalay iyo Xalay ka Dhacay Jiidaas

God Heeli 22.Aug 2013 (SDN)-Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa si adag gacanta ugu qabtay isla markaana isku balaadhiyey deegaanadii ka tirsanaa bariga Somaliland ee ay ku dagaalameen labo ardaa oo walaalo ah oo isku deegaan ah. Iyadoo dhanka kalena ay halkaa gaadheen wufuud ka tirsan dawladda iyo ergooyin madax dhaqameedo ah.

Wararka aanu ka helayno deegaanka God-Heeli oo u dhexeeya degmooyinka Oog iyo gar’adag oo ay shalayto ku daghaalameen dad reer guuraa ah ayna ku dhinteen 6 ruux ,oo Sadexba isku beel yihiin kuna dhaawacmeen sagaal kale ayaa waxaa goor hore oo subaxnimadii saaka ah gaadhay cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland, iyagoo la wareegay deegaanadii iska hor imaadadu ka dhaceen, baadhitaana laga furay sida wax u dhaceen

ciidanBadhasaabka Gobolka sanaag Axmed Maxamed Geelle iyo wefti uu horkacayo ayaa iyana socdaal degdeg ah ku tegay halkaasi wax yar uun ka hor xiliga ay deegaankaa ku beegan yihiin wefti balaadhan oo heer qaran oo nabadeed oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Md Cali maxamed warancadde oo safarkoodii ay kaga guureeyeen Magaalada Caasimadda ay hakiyeen daadadka ka dhashay roobabkii xalay ka  da’ay Galbeedka Somaliland oo ku soo rogmaday Dooxyada waaweyn ee u dhexeeya magaalooyinka Berbera iyo hargaysa.

Wefti u badan salaadiin oo hordhac ayaa ayaa goor dambe oo xalay ah ka guureeyey magaalada Burco kuwaasoo gaadhay goobtii dhibaatadu ka dhacday ee deegaank God-Heeli

Xaaladda ayaa degan deegaanadii shalay mashaqadu ka dhacday, iyadoo wararkii u horeeyey ee dhinaca nabadda eek a soo baxayaa aagaasi ay cadaynayaan in labadii dhinac ee dhibaatadu ka dhacday ay aqbaleen dhexdhexaadinta ergooyinka halkaasi ku sii qulqulaya.

God-Heeli SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed