Xaalada Daarfuur oo markale laga deyrinaayo
Darfur May 25,2013(SDN)-Madaxa gargaarka aadanimada u qaabilsan qaramada midoobay ayaa sheegtay dad gaadhaya ilaa 300,000 ruux in ay ka carareen kacdoonka iyo dagaalada kusoo laba kacleeyey dhulka gobolka Daarfuur ee galbeedka wadanka Suudaan shanti bilood ee ugu horeeyeysanadkan aynu ku jirno . Children in Darfur refugee camp
Valerie Amos, waxay kaloo sheegtay in tirada dadka haatan barakacay ay laba jeer ka badan yihiin kuwii
Gobolka Daarfuur ku baro kacay labadii sanadood ee u dambeeyey, waxaanay arintaasi ku tilmaantay in ay tahay xaalad aad looga walaaco.
Tiro kabadan 1.4 million ruux ayaa weli ku jira xaalad hooy la’aan ah , kadib markii ay halkaasi mudo dheer ay ka taagneyd colaad iyo dagaalo
sababay in ay ku nafwaayaan dad lagu qiyaasay ilaa 300’000 ruux , tan iyo markii ay colaadu gobolkasi ka bilaabantay sanadkii 2003—dii.
Dadka qaxootiga ah ee ku nool dhulkaasi ayaa la sheegay in ay ku jiraan xaalad aad u adag oo qalafasan.
SDN-Darfur
contact@somalidiasporanews.com