Xaalad Deg Deg ah oo lagu Soo Rogay Masar,Al Baraadiici oo Iscasilay,iyo Tirada Dhimashada oo Sadex Jibaarantay
Qaahira 14.Aug 2013 (SDN) Maamulka Ku Meel Gaadhka ah ee wadanka Masar ayaa Xaalada Degdeg ku Soo rogay Wadankaasi taasoo Socon doonta mudo Bil ah,Sidoo kale Madaxweyne Ku Xigeenkii Masar Maxamed Al Baraadici ayaa ku dhawaaqay Goor dhawayd inuu iska casilay Xilkaas.
Ciidamada amanka ee wadanka Masar ayaa ku dhaqaaqay Maanta hawlgalo ay ku ku sifeynayeen laba kaam oo ay ku sugnaayeen taageerayaasja madaxweynihii xilka laga qaaday ee Maxamed Mursi,oo ku yaalay magaalada Qaahira,
Wasaarada Caafimaadka ee Dalka Masar, ayaa sheegtay in Iska Hor imaadyadii Maanta ay Ku Geeriyoodeen Boqol iyo Konton Qof,Hase Yeeshee,Taageerayaasha Mursi ayaa ku Doodaya in Tirada Dhimashadu ay kor u Dhaaftay Sedex Boqol oo qof.
Geesta kale,Telefiishanka xukuumada ayaa baahiyey sawirada muqaalo muujinaya cagafyada ciidamada oo sii galaya kaamka ugu weyn ee dadkaasi dibadbaxyada dhigaayey ee taageersanaa Maxamed Mursi ay ku lahaayeen banaanka masaajidka “Rabaa al-Adawiya” e ku yaala dhinaca bari ee magaalada Qaahira.
Waxaa jira warar kale oo sheegayain rabshaduhu ay ku faafeen qaybo kale oo wadanka Masar ah.
Wakaalada wararka u faafisa wadanka Masar ee Mena ayaa sheegtay in saddex kiniisadood lagu weeraray badhtamaha wadankaasi .
Magaalooyinka Assiut iyo Miny ayuu ka dhacay iska horimaad dhexmaray ciidamada amaanka iyo taageerayaasha maxamed Mursi , sidoo kale taageerayaasha Mr. Mursi ayaa la sheegay in ay dhagxaan ku jareen wadooyinka ku yaala magaalada xagga woqooyi ku taala ee Alexandria.
Saraakiisha xukuumada ayaa sheegay in haatan la nadiifiyey fagaaraha Nahda ee magaaladaQaahira .
ciidamada amaanka ayaa la sheegay in ay hawlgalkaasi lagu burburinaayey meelihii ay ku sugnaaayeen taageerayaasha madaxweynhii hore e xilka laga qaaady in loo adeegsaday gaasta dadka ka ilmeysiisa, iyadoo la maqlaayey shanqadha rasaas nool oo ay ciidamadu ridayeen , taageerayaasha Maxamed Mursi , ayaa dhinacooda isticmaalaayey dhagxaan iyo taayiro ay gubayeen.
Dadka ka faalooda Siyaasada Gobolka ayaa Sheegaya in Wadanka Masar uu Cagaha la galay khatar u horseedi karta dagaalo sokeeye oo dhiig badani ku daato.
Qaahira SDN.
contact@somalidiasporanews.com