|

Xaakimiinta Masar oo ka soo horjeesatay Afti u qaadista dastuurka Cusub ee wadankaasi

Qaahir Dec 03, 2012 (SDN)— Golaha ay ku mideysanyihiin xaakimyada dalka Masar ayaa ku dhawaaqay in ay ka soo horjeedaan aftida loo qaadayo dastuurka Cusub ee dalkaasi kaasi oo maalmo ka hor ay meel mariyeen gudigga ansixinta dastuurka.

Xaakimyada Masar ayaa hoosta ka xariiqay in ay jiraan kooxo taageersan Madaxweynaha oo carqalad ku ah shaqadooda waxaana ay tilmaameen in loo baahanyahay in arrimahaasi oo kale wax laga qabto.

Sidoo kale Maxkamada Sare ee Masar ayaa ku dhawaaqday in ay shaqadii joojisay madaama ay u adkeysan waayeen dhibaatooyin ay ku hayaan Taageerayaasha Madaxweynaha dalkaasi Mursi kuwaasi oo ay xuseen ay ka gudan waayeen howlahoodii shaqo.

Dhanka kale Mucaaradka dalkaasi ayaa ku baaqay isku soo baxyo balaaran oo lagu qadacayo Afti u qaadista dastuurka Cusub ee wadankaasi.

Comments are closed