Xaaji Maxamed Yaasiin oo ka Mid ah Murashixiinta Xilka Madaxtinimo ee Punt land oo Lacag Dhan Toban Kun oo dollar ugu deeqay dadkii dhibtu ka soo Gaadhay duufaankii Gobolkaas ku dhuftay
Garowe 14.Nov 2013 (SDN)-Xaaji Maxamed Yaasiin oo ka mid ah musharraxiinta u taagan madaxtinnimada Puntland ayaa maanta lacag dhan $10,000 ugu deeqay dhibbanayaasha duufaanta ku dhufatay qeybo ka mid ah Puntland.
Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi, Xaaji Maxamed Yaasiin ayaa ku dhawaaqay deeqda lacageed, wuxuuna ka codsaday beesha caalamka in kaalmo deg-deg ah lala gaaro dadka ay waxyeellada ka soo gaartay duufaanta.
Wuxuu ka codsaday musharraxiinta kale ee u tartamaya xilka madaxtinnimo ee Puntland iyo dadka hantida leh inay ka qeyb-qaataan gurmadka lagu caawinayo dadka dhibaateysan.
Musharraxa kale ee u taagan xilka madaxtinnimo ee Puntland, Cali Xaaji Warsame ayaa isna ugu deeqay $5,000 dadka ay waxyeellada ka soo gaartay duufaanta.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com