|

Xaaji Cabdi Waraabe oo Waxba kama Jiraan ku Tilmaamay Golaha La Tashiga Madaxa Banaan

Hargaysa 16.July (SDN) Gudida joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta jawaab ka bixiyay eedaymo Baarlamank a ay u soo jeediyeen  siyaasiyiinta  dhawaanta sheegtay Golaha wada tashiga.

Gudoomiyaha Gudidad joogtada ah ee Golaha Guurtida mudane. Xaaji C/kariim Xuseen( Cabdi Waraabe) ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan saddex xisbi qaran oo doorasho ku yimi  kuwaas oo jiritaankoodu  waafaqsanyahay dastuurka dalka. waxaana uu intaa ku daray   in  Laga feejignaado wax kasta oo nabad galyada iyo xasiloonida khal khal galinaya.

Xaaji cabdi waraabe waxa uu siyaasiyiinta sheegtay Golahan  usoo jeediyay in  wixii tabasho ah ee dhinacooda la xidhiidha ay usoo gudbin karaan    Golaha Guurtida .

xILdhibaan  xaaji C/kariim Xuseen  waxa uu sheegay in siyaasiyiinta arinta Golahaas shaaciyay ay ka mid yihiin xubno  dalka usoo halgamay oo abaal ku leh.

Gudoomiye xigeenka GudidaJjoogtada ah ee Golaha Guurtida mudane Cawil xuseen ayaa isna   soo jeediyay in xukuumad iyo shacaba laga wada shaqeeyo lana ilaashadao nabadgalyada  guud.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed