“Xaaji Cabdi Waraabe Isagoo Boqol Jiruu Tanaasuli Waayay…” Mujaahid Xasan Guure
Hargeysa, 26 May 2015 (SDN/QJ)-Gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka Mujaahid Xassan Guure Jaamac, ayaa waxa uu sheegay inay mawqif isku mid ah ka taagan yihiin xisbiyada mucaaridka ah iyo madasha wada tashigu mudo kordhinta ay golaha guurtida somaliland u sameeyeen xukuumada madaxweyne Siilaanyo.
Guddoomiyaha Madasha oo la hadlay warbaahinta, ayaa ugu horen ka hadlay wadahadalka ilaa hada socda xukuumada iyo xisbiyada Mucaaridka “ Wadahadalka xal waa laga gaadhi karaa hadaan lays diidsiinayn shirkuna wuu furmay mudana waa laga wadahadlayey waxaana laga hadlayey sidii loo mudayn lahaa wakhtiga ay doorashadu dhacayso, anaga iyo xisbiyada mucaaridka ahi waxaanu taaganahay maalintii ay guddida doorashooyinku qabteen ee ahayd inay doorashada qaban karaan oo ay horena iyagu u lahaayeen inay mudeeyaan, dhinaca xukuumada waxaad moodaa inay dib u jiidayso oo ay wakhtiga luminayso, waxaanan leenahay wakhtiga ha ku soo dhawaato xukuumadu hana qaadato talada.”
Sidoo kale Mujaahid Xasan Guure waxa uu sheegay inaanay guurtidu xaq u lahayn inay sameeyaan mudo kordhin aanay keenin durufaha distoorku jideeyey waxaanu yidhi “Guurtidu xaq uma laha inay kordhiso, duruuftii ay ku kordhinaysay ma jirto kol hadaanay jirin duruuftiina xaq uma laha inay kordhiso, jiritaankeeduna maaha, waynu ognahay qofku waxa uu guurtida ku noqdaa sifaad maantana ma joogaan ragii guurtida ahaa ee la doortay markaa guurtidu wakhti ay yidhaahdaan anaga ayaa waxan qabanay oo ay dalka dusha ka saarto ma jirto waxaanay noqonaysaa taasi inay fawdo sameeyaan odayaashu.”
Mujaahid Xasan Guure waxa uu jawaab ka bixiyey hadalka soo baxay xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen waxaanu sheegay in Xaajiga looga fadhiyo inuu isagu sameeyo tanaasulaad badan waxaanu yidhi “Xaaji Cabdi Waraabe waxaan maalin dhawayd ku arkayey isaga oo leh hala tanaasulo isaga oo boqol jir ah ayuu tanaasuli waayey ee ma dhalinyarada kursiga doonaya ayaa tanaasulaya, waxaanan leeyahay xaaji tanaasul adiga ayaa odayee odaynimadana ka shaqeeya oo tanaasul wakhtiga ay guddida doorashadu qabteena keena.”
Ugu danbayntiina mujaahid Xasan Guure waxa uu meel adag iska taagay mudo kordhinta xukuumada iyo mudo kordhinihii hore ee loo samayn jiray xukuumadihii hore kuwaas oo uu ku tilmaamay mudo kordhino aan sharci ahayn waxaanu yidhi “Haddii aynu lunay oo aynu in badan sharci daro ku dhaqmaynay miyaynaan odhan Karin maalin kaliya aynu isa saxno oo aynu sharciga ku dhaqano maanta waxaanu leenahay sharci daro danbe ma qaadi karo dalkani , Anaga maaha cida aan hayn wax ay la timaado ee waa xukuumada cida aan hayn wax ay golaha la timaado anagu waanu sheegnay maanaan qarin waxaanu taaganahay maalinta ay guddida doorashooyinku qabteen oo waliba aanu xisbiyada ku raacnay ee aan anaga go,aankayaga ahayn, labada xisbina waxaanu isku ognahay inay mawqif wada qaataan, go,aankayaga sadex geesoodka ahina waxa weeyaan in maalinta ay guddida doorashooyinku qabteen ay ku dhacdo doorashadu.” Ayuu yidhi Mujaahid Xasan Guure Jaamac.