|

Xaafada Boondheere oo Hoobiyeyaal lagu garaacay

Muqdisho December 27, 2023 (QJ) -Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Madaafiic saakay ku dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo dumar ah oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa u geeriyootay weerarka, waxaana qaraxa uu burbur xoogan u geystay dhismayaal halkaasi ka agdhawaa.

Dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hoobiyeyaasha lala beegsaday xilli ay hurdayeen, waxaana la dareemayay in cabsi iyo argagax badan ay soo wajahday dadka deegaanka.

Laamaha ammaanka ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Degmada Boondheere, ayaan weli faah faahin rasmi ah ka bixin dhacdadaasi.

Saameynta qaraxa ayaa laga dareemay guud ahaan xaafadaha caasimadda, waxaana la filayaa in faah faahin dheeraad ah ka soo baxdao khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Comments are closed