|

Wufuud Caalamiga Ah Oo Bilaabay Inay Magaalada London Ku Soo Qulqulaan Waxaa Soo Gaadhay Madaxweynaha Dawladda Emirateka Oo Hogaaminaya Wefdi Culus Oo Shirka Soomaaliya Ka Qayb Gallaya

London 03/5/13(SDN) Madaxweynaha dawladda Emirateka carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan iyo wefdi culus oo uu hogaaminayo oo ay ka mid yahiin wasiirka arrimaha dibadda dalka Emirateka Abdallah Binu Zayed Al Nahyan iyo saraakiil dhinaca siyaasadda arrimaha dibadda u qaabilsan ayaa soo gaadhay magaalo madaxda dalka ingiriiska ee London, iyadoo maantana wefdiga qasriga boqortooyada ay ku qaabishay boqoradda dalka ingiriiska Queen Elizebeth IIemirateka

Maanta casarkii ayaa xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain William Hague wuxuu xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ingiriiska isaguna ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Emirateka carabta Abdullah Bin Zayed Al Nahyan iyadoo qodobkii ugu weyna ee laga wada hadlayna uu ku saabsana arrinta Soomaaliya iyo sidii loo caawin lahaa dawladda federaalka ah eeĀ  Soomaaliya

Kulanka Dhex Maray Hague iyo Cabdalla ayaa waxaa lagu dhawaaqay sanduuq lagu shubay lacag dhan 2 Malyuun oo dollarka maraykanka ah oo loogu tallo gallay in lagula dagaalamo tacadiga loo gaysto haweenka Soomaaliya sida kufsiga isla markaana sare loogu qaado aqoonta iyo xirfadaha dadka Soomaalida ah.

wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Emirateka Cabdalle Bin Zayed ayaa dhinaciisa ballan qaaday inay sii wadayaan sidii loo taageeri lahaa dadka soomaaliyeed.

qurbejoog.com

Uk London

 

Comments are closed