“Wixii Cadaalada ka Qaloocda Wadankoo dhan ayay Cawaaqib xun ku yeelanaysaa” Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland.
Hargaysa 28.Jan (SDN) Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali oo kormeer ku jooga Gobolka Togdheer ayaa Maanta kulan kula yeeshay magaalada burco,Mas’uuliyiinta hay’adaha garsoorka ee Gobolka Togdheer.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland waxa uu xusay in bah’da Garsoorka looga baahan yahay inay si cadaalad ah ugu adeegaan bulshadooda waxaanu hoga tusaaleeyay doorka ay qaranka ku leeyihiin iyo Xil Gudashado looga fadhiyo “Waxaad tihiin Garsoorayaal,Xeer ilaaliyayaal ,Qareeno ogaada waxaad dhamaantiin tihiin Unugii Cadaalada Somaliland,hadii idinku aad wax hagaajisaan oo Garsoor xaq ah ummadu idinka aragto,dalkani horumar ayuu gaadhayaa,wixii cadaalada ka qaloocda wadankoo dhan ayay cawaaqib xun ku yeelanaysaa”.
Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali waxa uu xusay inay soo mareen Gobolka Saaxil isla markaana ay u kuur galeen habsami u socodka hawlaha garsoorka isagoo intaas ku daray inay Xil iska saarayaan sidii loo buuxin lahaa qabyada haysata bah’da cadaalada oo uu ku sifeeyay Muraayad ay ummadu isaga aragto.
Geesta kale Gudoomiyaha Maxkamada Sare waxa uu tababar uga furay magaalada Burco xubno ka kala socday hay’adaha garsoorka ee Gobolka Togdheer.
Hargaysa SDN.