“Wixii aanu doonaynay inuu dalkayaga u qabsoomo wixii ka turjumayey ma aanu arag. Ilaa intaa……”Wasiir Xirsi
Dubai:May,17,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Natiijada wada-hadallo waftiga la socdaa dalka Imaaraadka kula qaateen Shirkado la doonayo inay Maalgashi ku sameeyaan Dekedda Berbera oo la damacsan yahay in la casriyeeyo.
Wasiirka oo xilli uu shir shirkadahaas qaarkood ay la lahaayeen uu kasoo baxay ay saxaafaddu la kulantay, ayaa rano xumo ka muujiyey natiijada kulamadii ay qaateen, waxana uu tilmaamay inay wali ku jiraan Baayactan iyo raadinta wax ay ku qancaan.
Wasiir Xirsi waxa uu si cad u sheegay inaanay wali helin cid ka qancisa Baahiyaha ay Dekedda Berbera Qabto, taas oo u muuqata tallaabo rajo xumo ah,
“baahideenu kuma xadidna shirkad kali ah iyo dal kali ah, wixii aanu dantayada u aragno, ayaanu ka turjumaynaa, wixii aanu doonaynay inuu dalkayaga u qabsoomo wixii ka turjumayey ma aanu arag. Ilaa inta aanu ka gaadhaynayna waa wadaynaa, waana suuq xor ah oo nin waliba dantiisa wato” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.
Wafti ay xubno ka yihiin Wasiir Xirsi, Wasiirka Qorshaynta iyo Maareeyaha Dekedda Berbera, ayaa haatan ku sugan Dalka Imaaaraadka Carabta, waxana ay ku Hawllan yihiin sidii ay u heli lahaayeen Shirkad samaysa Maalgelin iyo casriyeyn la doonayo in Dekedda Berbera lagu sameeyo.
SDN/QJ