Wiilkii Somaliga Ahaa Ee Dhawaan Taayirka Diyaaradda Ku Dhuuntay Oo Markii Ugu Horraysay Ka Warramay Wixii Kallifay Isagoo Addis Ababa ku Sugan
Addis Ababa:June,19,2014(SDN/QJ)-Yaxye Cabdi oo ahaa Wiilkii soomaaliyeed oo dhawaan ka Badbaaday Taayirka Diyaaradda ee uu ku dhuuntay, ayaa markii ugu horraysa gaadhay Hooyadii, isla-markaana la hadlay saxaafadda.
Wiilkan yar ayaa si faahfaahsan uga warramay sababtii ku kalliftay inuu halista intaas le’eg u badheedho, isagoo xusay inuu jeclaa sidii uu Hooyadii u heli lahaa mar uun.
Yahye Abdi oo Wareysi Khaas a siiyey Telefishinka KPIX 5 ayaa sheegay inuu rumeyan kari la’ yahay sida uu uga badbaaday shilkaasi, wuxuuna tilmamay inuu qabow xad-dhaaf ah la kulmay muddadii ay Diyaaradda u kala gooshaysay Gobalka Kaliforniya iyo Jesiiradda Hawaii.
Wiilkan oo 15-jir ah waxa uu Rabbi ka badbaadiyey dhacdadaasi, isagoo taayerka diyaaradda uu ku hoos jiray ku-dhawaad 5 saac iyo 30 daqiiqo.
“Waxay ka sarreysay Daruuraha, waxaan ka dhex arkayey duloolo yar” ayuu yidhi Yahye Abdi oo lagu wareystay Qeybta Wada-sheekeysga ee via Google Chat.
Waxaa kaloo uu ka hadlay sababihii uu uga soo cararay guriga aabihiisa oo ku yaalla Degmadda ata Clara ee Gobalka California waxa uu tilmaamay inaanu xilligaas faraxsanayn, isla markaana uu u hiloobay Hooyadii, oo ay ugu dambeysay isagoo 7 sanno jir ahaa.
Yahye Abdi waxa uu tilmaamay inuu markii ugu horreysay maalintii Salaasada ee la soo dhaafay la hadlay hooyadiisa oo ku nool Xeradda Qaxootiga ee Sheed-dheer ee dalka Ethiopia, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu jecel yahay inay si wadajir hooyadiisa ugu wada noolaadaan gudaha dalka Maraykanka.
Mar wax laga weydiiyey waxa uu noqon doono marka uu Waxbarashadda Jaamacadda dhameeyo waxa uu carrabka ku dhuftay inuu doonayo inuu ku biirro Ciiddanka Maraykanka.
Yahye Abdi waxa uu haatan dhigtaa Dugsiga Sare, wuxuuna qorsheynayaa inuu la noolaado Eedadiisa oo ku nool nawaaxiga magaalladda Minneapolis.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com